Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Uu Haleelay Caabuqa Corona Virus Iyo Magacyadooda

0
819

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Axmed Cawad ayaa sheegay in uu haleelay Caabuqa Karoona Fayris ee dhaliya cudurka Covid19 isaga oo sheegay in xaaladdiisu wacan tahay, baadhitaan uu isku sameeyeyna lagu xaqiijiyay in uu qabo caabuqaasi.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Axmed Cawad oo isagu qoraal kooban ku baahiyay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Twitter ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan sameeyey Baadhitaanka Covid19 Jawaabtuna waxa ay noqotay mid Togan oo rasmi ah. Xaaladdaydu waa ay fiican tahay, wax xanuun ah oo aan dareemayaa ma jirto”.

Dhinaca kale waxa soo baxaya warar aan si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in xubin kale oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland uu isna noqday (Positive) walise aan si rasmi ah loo shaacin isaguna aanu sheegin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here