Hargeysa, June 01, 2020- (Foore)- Guddida heer Qaran ee La Dagaalanka iyo ka hor tagga cudurka Karoona Fayras ee Somaliland ayaa waxa ay shalay soo saareen wax ka baddal iyo kaabis ay ku sameeyeen go’aamo ay hore u soo saareen oo la xidhiidha xaaladda cudurka Karoona Fayras iyo Somaliland kuwaasi oo aan horeba u hir gelin cidda ay khusaysaana marnaba sidooda u raacin.
Qodobadan Guddidu kaabista iyo wax ka baddalka ku samaysay oo ka kooban 5 qodob oo ay shalay shaaciyeen ayaa u dhignaa sidan:
“1. GOOBAHA CIYAARAHA:
Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.
- GAADIIDKA DADWEYNAHA:
Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020. Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.
- MASAAJIDADA:
Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.
- GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:
Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.
5.DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:
Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.
- ISU-IMAATINKA BULSHADA:
Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.
ALLAA MAHAD LEH
Guddida Heer Qaran ee Covid-19
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii guddidan la aasaasay ayaa go’aamada ay soo saareen ee kuwan ah iyo kuwo kaleba aanay wali si rasmi ah u dhaqan galin iyada oo aanay fulin in badani walina aanay muuqan in bulshadu ku baraarugsan tahay dhibta cudurkan taasi oo keentay in awoodda fulineed ee xukuumaddu aad uga hoosayso heerka ay wax kaga qaban karaan xaaladdan.