Ururka SOLJA Oo Guddida Covid19 Ku Eedeeyey Inay Daboolka Saartay Xaqiiqooyin Umaddu Is Waydiinayso Iyo Tuhunnada Jira Ee U Baahan Isla Xisaabtanka!

0
769

Hargeysa, June 01, 2020- (Foore)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag u dhaliilay hab-dhaqanka Guddida heer Qaran ee la tacaalidda Cudurka Karoona Fauras oo ay ku eedeeyeen in aanay umadda u soo ban dhigin daah-furnaantii iyo isla xisaabtankii umadda reer Somaliland ka sugaysay isaga oo ururku si gaar ah ugu dhaliilay is hortaag uu xoghayaha guddidaasi ku sameeyey cilmi baadhis la xidhiidha heerka hawlgalka wacyigelinta ee ku aaddan cudurkani uu gaadhsiisan yahay wakhti saluug badani ka jiro dadkuna ku dhaliilayo guddida in aanay is lahayn lacagaha illaa hadda soo gaadhay iyo sida gaabiska ah ee guddidan hawshoodu u socoto umadduna aanay u helin adeeg caafimaad oo ku filan iyo wacyigalintii ku habboonayd.

Guddooomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Ururka SOLJA ee caasimadda Hargeysa waxa uu eedo culus ku jeediyey Guddida iyo gaar ahaan xoghayaha guddidaasi oo is hor taagay Cilmibaadhista ay ururku wadeen isaga oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlaya waxa uu Guddoomiye Xuuto yidhi: “Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo ka wakiil ah guud ahaan saxafiyiinta Somaliland waxa uu ka qayb galay wacyi galin balaadhan oo la xidhiidha dhibaatada Covid19 sidoo kale waxa uu saxafiyiinta dhammaan gobolada u qaybiyay wixii awooddiisa ahayd qalabka lagaga hor tago cudurkan dhibaatada ku haya dalkeena iyo dunida kaleba. Waxa aannu ogaanay in wacyi-galintii cudurkani aanay sidii la rabay u socon. Waxa aanu la xidhiidhnay xafiiska Xoghaynta guddida la dagaalanka cudurka COVID19 oo cilmi baadhistaasi aanu samaynaynay ka dalbano in ay xog naga siiyaan hawsha wacyigalinta. Xoghayaha xafiiskaasi Xuseen Aadan Cige (Deyr) markii aannu ka dalbanay waxa uu noo sheegay in aannu war na siinayn. Markii aanu u sheegnay in aannu urur qaran nahay oo sharciga dalku noo fasaxayo gudashada hawshayadan in la isla xisaabtamo oo wax la is waydiiyaana daw tahay. Waxa uu noo sheegay in aanu waxa aanu doonayno u gudbinno Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ah Guddoomiyaha Guddida. Annaga oo ixtiraamayna masuuliyadda ay qaranka u hayaan iyo in waxa aanu doonaynaa ka qoto dheer tahay waxan uu isagu doonayo. Waxa aanu qoraal rasmi ah ku socodsiinay Madaxweyne ku xigeenka, Wasaaradda Warfaafinta iyo Xafiiska xoghayntaba. Waxa aad la socotaan in shalay (Dorraad) guddidu soo saartay qoraal ay ku faahfaahinayso wixii soo galay iyo wixii ay qabatayba. Dadweynaha iyo hay’adaha ay khusayso ayay u taallaa xaqiiqooyinka ku jira warqaddaasi ay guddidu soo saartay iyo xogta ka maqan in ay iyagu doonaan. Annagu waxa aannu u aragnaase in intii loo baahnaa aanay ahayn sidoo kalena aanay Bulshada ku filnayn xogta shalay la baahiyay mid ay ku qancayaan marka loo eego dareenka dadka reer Somaliland maanta qabaan ee ay ku doonayaan isla xisaabtan iyo daah-furnaan in xukuumadda laga helo”.

“Saaka waxaanu tagnay Xafiiska ay guddida heer qaran ee Koroona Fayras ku leeyihiin wasaaradda Biyaha Somaliland. Waxa aanu kula kulanay Masuuliyiinta Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka. Ku Xigeenka Hanti dhawrka iyo sarkaal kale. Waxa ay albaabka xafiiskaasi kula kulmeen Xoghayaha Guddida Xuseen Aadan Cige (Deyr). Sarajoogga ayay ku wada hadleen waxaanay Masuuliyiintaasi Hanti-dhawrku u dhiibeen qoraal ay kaga dalbanayeen xog ay ka helaan hawlaha ay guddidu hayso. Xoghayaha Guddidu Xusen Deyr waxa uu si cad u diiday hawsha ay Hanti dhawrku u socdeen. Way isaga tageen iyaga oo yidhi waxa uu sharcigu na farayo ayaanu qaadi doonaa”. Ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA waxaanu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata:

“Annagu runtii kumaanu qancin intaasi oo ismaanu odhan Hanti-dhawrkii baa loo diidee isaga noqda balse waannu u tagnay isaga oo halkii taagan albaabka hortiisii. Waxaannu ku nidhi waadigii nala ballamay Madaxweyne ku xigeenku waakii soo amray in aannu kuu nimaadno oo aad xogtii na siiso. Waxaannu kaa doonaynaa in aad xogtii na siiso. Waxa uu af buuxa ku yidhi intii uu Hanti-dhawrka ku yidhi oo ah xog ay guddidu bixinaysaa ma jirto. Xogtu waxa ay ku jirtaa warbixintii aannu shalay soo saarnay oo ah intii ay bixiyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnihii guddida ka mid ahaa. Intaa qaata wax intaa dheer oo aannu idin siinaynaana ma jirto. Waxa aannu ku nidhi su’aalihii aad hore ugu qanacdeen in aad na siisaan ayaa xogtan shalay aad bixiseen ka maqane waxaanu u baahanahay in aad xogta aanu dalbanayno na siisaan. Si caddaan ah ayuu markaa Xuseen Deyr u diiday in uu xog faahfaahsan na siiyo. Waxa ay arrintaasi na tusaysaa in aanay xukuumadda ama guddidani diyaar u ahayn in ay soo ban dhigaan isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta shacabku dalbanayaan. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ah guddoomiyaha guddidan waxaannu ugu baaqaynaa in ay adeega ay umadda u hayaan si cad ugu daah furaan. Warbixinta ay dorraad soo saareen waxa ku qornayd in ay Hal Milyan iyo Badh Doollarka Maraykanka ah ku bixiyeen oo guddidu u isticmaashay Wacyigelin, Hawl socodsiin, agab iyo daawooyin. Waxa aannu u aragnaa wacyigalinta la bixiyay ee guddidu sheegtay in ay Halka Milyan iyo badhka ku baxday in loo baahan yahay in xaqiiqadeeda la taabto”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Mad. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here