“Faysal Wuxuu Igu Haystaa Lacagtii Xisbiyada La Siinayay Oo Goluhu Wax Ka Gooyay, Miisaaniyadda Soo Socotana Waa La Wada Jarayaaba Lacagtaas” ..Guddoomiye Baashe

0
836

Hargeysa, June 01, 2020- (Foore) – Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal weerar af ka ah oo dhawaan uga yimid Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in Faysal ku haysto lacag Xisbiyada mucaaridka la siin jiray oo Goluhu wax ka dhimay.

Gudoomiye Baashe ayaa sheegay inaanay  Gole ahaan u aqoonsayn Faysal Cali Waraabe Gudoomiye Xisbi ee uu yahay dagaal ooge, waxaanu warbaahinta horteeda Shalay ka cadeeyay inay kiiska Faysal u gudbin doonaan Maxkamadda islamarkaana aanu Gudoomiye iyo Musharax dambe oo xisbi dib u noqon doonin. Gudoomiye Baashe ayaa sidoo kale sheegay in wixii nabadgalyo-Daro ka dhasha hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Faysal, gaar ahaan beelaha Walaalaha ah ee Gobolka Bariga wada dega uu isagu degta ku qaadan doono oo lagu maxkamadayn doono.

Isagoo Gudoomiye Baashe arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Haddalka Faysal maaha qof caadi ah oo suuqa jooga , waxa weeye Guddoomiye Xisbi oo xisbi Qaranku leeyahay ayuu joogaa haddalada uu ku haddlayna haddalo loo dul-qaadan karro may ahayn , haddalo anshaxa ka baxsan ayuu ahaa, haddalo gef ah ayuu ahaa,anniga shaqsiyan wuxuu iga sheegayo wax-baba  kama qabin annigu kursi ayaan fadhiyaa , siyaasad ninkii galaana in la maago xaq ayuu u leeyahay inuu ka cadhoodana mahaa, anniga la imaagi maagayo ee waxa la maagayaa kursiga aan ku fadhiyo,siddaa ay tahay haddana waxaan ku fadhiyaa kursi xasaanad leh ,waxaan ahay Qarankan ninka saddexaad, umana dul-qaadan karro haddalada qaarkood,wax loo dul-qaadan karrona  maaha,qodobka ugu horreeye ee uu ka haddlay , waxa kamid ah isku dirka beelaha reer Somaliland,Faysal waan ku oggaa inuu neceb yahay Hartiga iyo Daroodka nacayb kalena mahee wixii uu Xamar ka sameeyey ayuu ku qarinayaa uu ku sameeyey Beelaha Somaliland degan ayuu ku qarinayaa inuu dhalinyaradda u tuso nin darood iyo Harti neceb inuu yahay , lakiin maaha inuu neceb yahaye waxa weeye waxa qudha ee uu Magaalada kusoo galay ee Somaliland ku soo noqday waxay ahayd inuu Harti iyo Darood uu caayo, dadka reer Somaliland waa qabaa’il waa dad wada degan waa dad walaalo ah,taasi wixii uu Xamar ka sameeyey ka reebi mayso .”Ayuu yidhi Baashe

Waxa kale oo uu yidhi “Wuxuu ka haddlay meesha la yidhaahdo Puntland oo ay isku haystaan  Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka  waa wax iyaga ka dhexeeya, wax isaga ugu jira dhex-galkiisa may jirin oo ka khuseeya, lakiin fidmo ayuu rabbay inuu meeshaa dhex-dhigo haddalkiisana waad maqlayseen oo wuxuu yidhi soo eri siddii ilmo yar oo u shaqeeya meel ,toogana Madaxana ka goo ayuu yidhi , nin dhan oo xisbi ahi inuu yidhaah qof madaxa ka goo waxa weeye danbi Qaran weeye, Denayna umuu hiilinay ee wuxuu doonayey inuu isku dirro labadaa beelood ee wadda degan,waxa kale oo ka soo daran oo taa ka sii xun  wuxuu yidhi Axmed Karaash intuu Majeerteen dhulka ku qabsanayo  Qorilugud iyo Coodanle ayaa laga haystaa  ee ha xorreeyo , waxa weeye wixii halkaa ka dhaca ee ku dhinta  ee dagaalkaa uu hurrinaya Faysal ee uu ku guubaabinayo dad maangaaba dalkiinii ayaa la haystaaye xorreeya haddii wax ku dhintaa isaga ayaa masuuliyadeedda qaadaya , sabab uu laba beelood oo somaaliland ah dhex-dooda iksu dirro waa wax la yaable , haddii uu Qorilugud iyo Coodanle waa la wada degaa waa deegaan Somaliland ah cid waliba waa degtaa sabab uu maanta iskugu dirro oo uu yidhaah laaya, waxay ila tahay tan Ceel-afweyn ee dami weydayna inuu Faysal uu ku lug leeyahay , hadduuba marba qolada isku diray  inuu tana ku lug leeyahay waabay iska suurtowdaa, lakiin waa la baadhi doonaa.”Ayuu yidhi Baashe

Sidoo kale waxa uu yidhi “ Wuxuu yidhi Baashe waxaanu isku haynaa doorashooyinka iyo is xambaar wuxuuna diidan yahay in dadka Sool iyo Sanaag la diiwaangeliyo , annigu doorasho mana diidin doorashana waan rabnaa weyna dhacaysaa is xambaarkuna ceeb mahaa waxa weeye markii doorashada golaha wakiiladu dhacayeen waad ogaydeeno Putland ayaa haysatay Laascanood meel Dowlad kale haysatana Doorasho lagama qaban karro, lakiin wuu ogyahay in Puntland markii laga saaray in golaha deegaan toos loo soo doortay  oo deegaanka Laascanood fadhiyaa ay doorasho toos ah ku yimadeen,anniga iyo Faysal Doorasho iskuma hayno, anniga iyo Faysal waxaanu isku haynaa waxaanan annigu shaqo ku lahayn oo golaha oo dhani qabeen,$21,000 kun oo dollar ayaa saddex-da Xisbi mid walba koob iyo labaatan kun oo dollar ayaa la siinayey si Xisbiyadda loo kobciyo , waxay ku soo beegmatay markii cudurkii kuududiyihi uu dalka ku jiray  xildhibaanada waxa u muuqatay $21,000 kun oo dollar oo xisbiyadda la siiyaa inay ku badan tahay waayo Xisbiyadda xubnahooda ayaa dhaqaale ku bixiya oo lacag ayaa soo gasha,markaa Xildhibaanadu waxay garteen in lixda Cisbitaal wax looga gooyo boqolkiiba 50% in looga gooyo Cisbitaaladana hadda la leeyahay ambulance ma haystaan Dawo ma haystaan ,tau u igu haystaa waxa weeye Lacagtaas , annigu Lacagta kama goyn eee golaha oo dhan ayey u tiil,waxa uu magacaabay anniga iyo laba xildhibaan oo kale  oo qudha beel ka soo wadda jeeda ayuu Magacaabay goluhuna waa 82 laba iyo siddeetan, wuxuuna leeyahay qabiilna ma aqaan, haddii’se aanu qabiil aqoon  maxaa uu saddex-dayadda isku beesha ah uu u leeyahay Doorashadii ayey hortaagan yihiin, taasina waxay ina tusaysaa inuu qabyaalada yaqaan waayo qabiil ahaan ayuu saddex-dayadda noo soo soocday, saddex-da Ciidagale ee golaha  ku jira muu soo haddal qaadin, markaa waxa kale oo aanu isku haynaa ma jirtee Lacagtaas ayaa la gooyey,miisaaniyadda soo socotana waa la wadda jarayaa .”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Wuxuu yidhi dadka nala jooga, dadka uu u jeedaana waa Harti ,Hartina cidna lama joogo ninkii aanu la joognayoow lagu fasax,cid aanu la joogno iyo cid aanu magan u nahay ma jirto, dal iyo dad ayaanu leenahay waanu ogsoon yahay, waxa kale oo uu sheegyey  kuwa gurigiisa ku dhuumanaya, annaga ma ogin kuwa  gurigaaga ku dhuumanaya, lakiin bal cid ayaanu u diri doonaa  oo waxaanu ogaan doonaa nimankaa Harti ee gurigiisa ku dhuumanaya,waxaanu u sheegaynaa boqolkii afartan 40% dalka Somaliland annaga ayaa leh , annagu cashuur aanu cunaa ma jirto, waxa weeye cashuurta Somaliland waa la wadda leeyahay waanu u shaqaynaa ,haddii cashuur la cuno  faysal wuxuu u qabto 29kaa sanadood  cashuurta dalka ayuu qaadanayey , weliba waxaan hubaa in lixda maamul goboleed ee somaaliyana  inuu cuno tamaandhada laga beero ,waayo Madaxweyna kasta wuu la kulmaa oo sooryo ayuu ka soo qaataa, Deni ayaa ugu dambeeyey markii la doortay Safarkii uu Dubai ugu baxay  Dubai ayuu kaga daba tegay uu yidhi Denay ayaan u tegayaa ,Axmed Madoobe ayuu u tegay,  Sheekh Shariif ayuu u tegay ,Farmaajo ayuu u tegay, Xasan Sheekh ayuu u tegay,Xaafna wuu arkay,markaa haddii Tamaandho cashuur laga cunayo isaga ayaa cuna ,annagu Somaliland haddii cashuur la qaadayo waanu u shaqaynaa oo shaqada aanu qabano ayaanu ku qaadanaa, lakiin isagu 29kaa sanadood Xafiis ma fadhiisan  intaana Lacag ayuu cunayey Safar kasta oo uu baxo xukuumadda ayaa ka bixisa , markaa haddii cashuur la cunayo ninka cunaa waa isaga , awal wuxuu odhan jiray guri ma lihi hadda Gurina wuu leeyahay  Xafiiskiina wuu iibsaday uu UCID ku jiro.”

Ugu dambayn waxa uu yidhi “ Haddii u ka waan toobiwaayo ahaan maayo Guddoomiye Faysal ,guddoomiye Xisbi siddan uu yahay kuma ahaanayo saddex doorasho ayuu galay saddex-diiba waa dhacay, waxay ahayd markii uu doorashadii hore dhacay ee uu tii labaad dhacay inuu is casilo haddii uu sharaftiisa iyo magaciisa uu dhawranayo oo uu dadka u baneeyo dumuqraadiyadna wuu ka haddlayaaye waxay ahayd inuu kursiga baneeyo oo uu dadka kale jaanis siiyo,lakiin cid uu siinayaa ma jirto, haddana mid afraad ayuu doonayaa, lakiin waxaanu balan qaadaynaa inuu mid afraad isku soo taagin, Faysal saddex jeer ayey Somaliland dooran weyday Cadaawad ayuu u qaaday ayaa hadda socota, maalintii dhaweyd ee la yidhi waxa la furayaa Xisbiyadda waxaan hubaa dad uu kula sheekaystay inta aan la furin inuu Xamar aadayo , Faysalna siddan Somaliland laguma wada joogayo waxa weeye wuu kale kaxaynayaa wuu isku dirayaa  fidmo ayuu la taagan yahay,waxaan u sheegayaa bulshada Faysal Cali waraabe uma aqoonsanin inuu Guddoomiye yahay,lakiin Xisbiga UCID wuu jiraa, dastuur jebin ayuu ku jiraa dadka Somaliland ayuu ku kale sheegay dad dalka leh iyo dad la jooga,isaga ayaa ka jawaabi doona dadka la joogaa cida ay yihiin,waayo intaas oo denbi haddii uu galay Maxakamadna waanu u gudbinaynaa , wixii  la marsiiyona waanu marsiinaynaa, lakiin Guddoomiye Dambe oo aanu u aqoonsanahay ma jiro.” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Faysal U Jawaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here