Muqdisho, May 28, 2020- (Foore)- Warqad ka soo baxday 29 kii Bishii February sannadkan 2020 Xafiiska Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo si hoose warbaahintu u heshay ayaa muujinaysa hub fara badan oo dawladda Carbeed ee Masar si sharci darro ah ugu deeqday xukuumadda Soomaaliya ee Federaalka ah taasi oo saacadihii ugu dambeeyey warbaahintu hadal haysay kadib markii warqaddaasi si sir ah uga fakatay xukuumadda Villa Soomaaliya. Taasi oo keentay in durba xukuumadda Somaliland walaac ka muujiso aadna u cambaarayso falkaasi oo ay ku tilmaantay Somaliland mid halis galin karaya nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika.
Warqaddan ayaa muujinaysa heshiis wasaaradda Gaashaan dhigga Soomaaliya kula wareegtay hub noocyo kala duwan ah oo ay ka heshay Dawladda Waddanka Masar wakhti guud ahaan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya ay cuno qabatayn culusi ka saaran tahay hubka tan iyo burburkii dawladdii hore ee Janaraal Maxamed Siyaad Barre.
Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa waxa ku xardhan dhammaanba hubka noocyadiisa kala duwan ee ay dawladda Muqdisho ka heshay waddanka Masar oo shaxdeeda lagu muujiyay. Hubkan oo tiradiisa guud dhan tahay 4510 isugu jira noocyo kala duwan oo kala ah:
– Qoryaha noocoodu yahay AK47 waxa ay tiradoodu dhan tahay 1200 oo qori.
– Qoryaha noocoodu yahay PKM Machine Gun Medium 25
– PKM Machine Soft – 175
– PKM Ammunitions (Medium) 100
– PKM Ammunitions (Soft) 700
– RPG-7 Launcher – 50
– DSHK 12.7MM – 20
– Sniper Rifle – 36
– Sniper Rifle Amunitions – 1000
– Mortar 82mm (Hoobiyayaal) – 6
– Mortar 82mm Ammunitions – 550
– Mortar 60mm 0 12
– Pistol – 636
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhigga Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa si weyn u cambaareeyey hubkaasi ay dawladda Soomaaliya ka heshay waddanka Masar isaga oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah cuno qabatayntii Soomaaliya ka saarnayd hubka oo uu sheegay in ay saamayn xun oo amni darro ku keeni karto guud ahaan Geeska Afrika.
Illaa imika waddanka Soomaaliya may faahfaahin hubka ay Masar ka heleen sidoo kalena waxa aan arrinkaasi ka hadal waddanka Itoobiya oo xiisad weyni u dhaxayso dawladda Masar oo ay isku hayaan xaaladda webiga Niilka sidoo kalena Itoobiya ay tahay waddanka Saamaynta ugu weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.
Halkan Ka Akhri warqadda: