“Tani Ma Aha Dawladdii Innaga Saari Lahayd Dhibkan, Malaayiinkii Dollar Lama Hayo Meel La Mariyay, Shacabku Ha Isku Tashado Oo Yaanay Isku Hallayn Dawladdan”

0
880

Burco, May 28, 2020 – (Foore)- Maayarkii hore ee Magaalada Burco Md. Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab ayaa eedo culus waxa uu dusha u saaray Guddida heer Qaran ee ka hor tagga iyo la tacaalidda Cudurka Covid19 iyo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo uu ku eedeeyey in ay gabi ahaanba ku fashilmeen wax ka qabashada cudurkan halista ah ee dunida iyo dalkeenaba halista ku ah isaga oo ku eedeeyey in aanay lahayn qorshe iyo awood ay wax kaga qaban karaan masuuliyadda saaran halka uu hoosta ka xariiqay in aan la ogayn meel lala maray dhammaanba dhaqaalihii Malaayiinka Dollar ahaa ee shirkadaha gaarka ahi ku wareejiyeen guddida, isaga oo dhinaca kalena walaac xooggan ka muujiyay xaaladda Gobolada dalka gaar ahaan Gobolka Togdheer oo uu sheegay in xaaladdiisu halis weyn ku tahay shacabka reer Togdheer.

Maxamuud Axmed Xasan Dhagalaab, Maayarkii hore ee Magaalada Burco oo warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi: “Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu bixiyay 3 Milyan oo Dollar, shirkado waaweyn ayaa wax bixiyay, lacago badan ayaa la sheegayaa, diyaarado badan oo la leeyahay qalab fara badan bay sidaan ayaa yimid, wixii meel allaala meel ay mareen la garan maayo. Wasaaraddii Caafimaadkuna wax alle wax qorshe ah oo ay samaysay ma jirto iyo sidoo kale guddidan Covid19 oo aan ka ahayn kala durka iyo afka xidha mooyee wax kale may sheegin. Agaasimaha caafimaadka ayaa shalay hadlay waxa uu yidhi Gobolada oo dhan wax yaallaa ma jiraan kaa Hargeysa mooyaane. Dhakhtarkii Hargeysana waad og tihiin in dorraad laga cabaadayay oo la lahaa Ina Cali Warsame iyo gabadhii kale ee lahayd Aabbahay baa bilaa oksajiin la’aan ugu dhimatay. Madaxweynaha iyo guddidu mar walba waxa ay leeyihiin qalab baa soo socda aannu soo iibinay imikana dhawr bilood bay maraysaa wax alliyaalo wax inna soo gaadhayna ma jiraan. Ma riwaayad baa waxa ay dhigayaan. Waxa aannaan garanayn in xukuumaddan iyo guddidani tahay kuwii innaga saari lahaa iyo in aanay awoodba u lahayn. Dadku way cabanayeen markii horeba Lacag abaareed oo hore  ayay ka cabanayeen meesha ay martay oo ay warbaahinta kaga hadlayeen. Tanna tii Madaxweynuhu sheegay iyo tii ganacsatada toona lama hayo. Qalab soo kordhayna ma jiro.

Goboladiina wax kale iska daayoo waa kuwaa aan ambalaasyo haysan ee kolba marka dadku qayliyo ay shirkaduhu ku tabarucayaan. Waar dadku ha isku tashadaan. Waxaanu leenahay waar dadka Gobolka Togdheer joogow isku tashada, nin boqol bixiya iyo nin kun bixiya. Guddidaa ganacstada ee Burco joogtaa inta aynu u yeedhno akoon ha innoo furaan dawladdan iyo waxeedaba aynu iska dayno bal in inta umadda hadhay Ilaahay innoo badbaadiyo. Dadkii aadbuu u socdaa oo maalintii haddii aad xabaalaha tagto toban ama labaatan baad ugu tagaysaa. Tani ma aha dawladdii innaga saari lahayd marka aad eegto hadalkeeda iyo qorshaheeda, sahankeeda iyo taladeeda wax qorshe ah oo ay innoo hayaan ma jirto. Mar haddii dhawr bilood ay marayso wax alla wax soo kordhayna aanay jirin. Wasiirka caafimaadku waligii muu iman Gobolka Togdheer sidii loo magacaabay. Wax ka socdana war uma hayo. Cisbitaalka Burco muu iman wax yaallana war uma hayo. Waxba yaan dhakhaatiir yaryar TVga naloo soo fadhiisin. Wasiirku masoo dhaafo Hargeysa iyo Boorama. Dawladdani maaha tii innaga saari lahayd”. Ayuu yidhi Maayarkii hore ee Magaalada Burco Mr. Dhagalaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here