Lamaane Soomaali Ah Oo Ka Baxsaday Cisbitaal Lagu Kaarantiilay Kadib Markii Laga Helay Cudurka Covid 19

0
861

Kampala, 28 May, 2020- (Foore) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 25 Bishan ay laba qof oo Soomaali ah ay ka baxsadeen xarun Karantiil oo ku taalo Degmada Masinidi ee dalka Uganda.

Labadaan qof ayaa ka baxsaday Isbitaalka Masindi, waxayna Saraakiisha Caafimaadka dalkaas sheegeen inay ku raad joogaan,  isla markaasna u karantiilnaa sabab la xidhiidha cudurka Coronavirus.

Labada qof ee Soomaalida ah ee ka baxsatay xarunta karantiilka ayaa ahaa lamaane oo magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed iyo Xaaskiisa Shamula Maxamed, sida lagu daabacay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa Uganda.

Labadan qof ee baxsaday ayaa la sheegay inay dhawaan dalka Uganda kasoo galeen xuduuda ay la wadaagaan dalka South Sudan, iyadoo looga shakiyey cudurka COVID-19.

Labadan qof ayaa waxaa soo fakiyay Nin kaxeeya Mootada Dhugdhugleyda ee Uganda looga yaqaano Boda-boda, xilli ay ku sugnaayeen Xarunta Ganacsiga ee Kijura Trading Centre oo ku taalo Masinidi.

Dr. Rogers Musinguzi, Madaxa Kooxda Maareynta ee Kiisaska COVID 19 ee Degmadda Masinidi ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka shakiyeen labadaan qof, sidaasna lagu soo war geliyey Booliska si loo geeyo xarunta lagu karantiilo dadka laga shakiyo.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo halka ay jaan iyo cidhib dhigeen labadan lammaane oo ka baxsaday isbitaalkii lagu karantiilayey oo ku yaalo Degmadda Masindi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here