Waa tuma Pnina Tamano Shata? Waa Haweenay 39-jir ah oo asal ahaan Itoobiyaan ah oo Yuhuudiyad ah. Waxa ay 1-dii Jeenaweri sannadkii 1981-kii ku dhalatay deegaanka Wuzuba ee dalka Itoobiya. Waa Haweenay sharciyaqaan ah, saxafiyad ah sidoo kalena ugu dambayn siyaasadda ku biirtay oo siyaasiyad ah. Waxa ay wakhtigan xubin ka tahay Baarlamanka waddanka Israel ee loo yaqaano Keneesatka iyada oo ka soo gashay is-bahaysiga Buluugga iyo Caddaanka oo ah is-bahaysiga wakhtigan dawladda wadaagga ah ka soo dhisay waddanka Israel. Waxa ay noqotay haweenaydii ugu horraysay ee asal ahaan ka soo jeedda Yuhuudda Itoobiya ee Israel ku nool ee ku guulaysata kursi baarlamaan ugu dambayna sidoo kale ka mid noqota xubnaha Golaha Wasiirrada oo 16-kii Bishan oo ah maanta oo axad ah loo dhaariyo golaha wasiirrada.
Halkan Ka Daawo Warbixinta: