Xisbiga WADDANI Oo Daaha Ka Rogay Tuhuno Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Dul Hoganaya Guddida Madaxweynuhu U Igmaday Cudurka CORONAVIRUS

0
981

Hargeysa, May 11, 2020- (Foore) – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhaliilo culus ku hurgufay Gudida Madaxweynaha Somaliland u igmaday ka hortagga cudurka Corona Virus, waxa uu Xisbiga WADDANI ugu baaqay Gudida inay cadeeyaan halka ay mariyeen Malaayiinkii Dollar ee qasnadda gaarka ah loogu shubay iyo qalabka lagaga hortago Cudurkan ee Caalamku inasoo gaadhsiiyay, waxaanu xisbigu Gudidaasi ku tilmaamay kuwo fashilmay.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxay indhawaydba Bulshada Somaliland baafinaysaa Gudidii Ka hortagga Cudurka Covid-19, oo wax xarakaad hawshii loo igmaday sidii ay u qabanayeen aan midnaba laga hayn, waxaanu xisbi ahaan jecelnahay inaanu waydiino Gudidaas Su’aalo dhawr ah, oo Bulshada Somaliland aad isku waydiinayso, anagoo bulshadda ka wakiil ah, Gudidaas maaalintii uu Madaxweynuhu magacaabay illaa maanta, waxa marag ma doon ah, Hawshii loo idgmaday sidii la doonayay inay wax uga qabtaan inaanay gabi ahaanba waxba uga qaban”

Waxa kale oo uu yidhi“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Qasnadda Guddidaasi 3-Milyan oo Dollar lagu shubay, Waxaanu jecelnahay inaanu waydiino Gudida saddexdii Milyan ee Dollar halka ay martay, waxaad ku isticmaasheen, Gobolada ay gashay, inaad bulshada u bayaamisaan, Waxa kale oo aanu gudida waydiinaynaa deeqo badan oo dunida dalalkeedda inooga yimid oo ahaa qalabka laga hortagayo Covid-19-ka, meeshay martay inaad bulshadda u bayaamisaan, waxa kale oo aanu jecelnahay inaanu Gudida Waydiino Shirkadda World Remit Milyan iyo Afartii Boqol ee kun ee ay ku deeqday, ee qalabkaas ahaa halka aad mariseen, ma bulshadda ayay gaadhay mise bakhaaro ayaa la dhigtay?”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waxaanu jecelnahay inaanu Gudida waydiino dhaqaalihii ay ku yabooheen shirkadduhu halkeed gayseen, waxaa mihiim ah gudi qaran ayaad tihiin Xisaabtiino inay cadaato oo ay noqoto mid muuqata oo la wada arkayo, waxaanu jecelnahay inaad nooga jawaabtaan, Cisbitaalkii muwaadinka Somaliland inoogu deeqay ee ABARSO, halkee ayaad gayseen”. Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaraka WADDANI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here