Shirkadda TELESOM Oo Deeqdii Ugu Badnayd Ugu Yaboohday Guddida Ka Hortagga COVID19

0
928

Hargeysa, May 11, 2020 – (Foore) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Ugu weyn Somaliland ee TELESOM ayaa deeqdii ugu badnayd waxa ay si rasmi ah shalay ugu wareejisay Guddida ka Hortagga cudurka dilaag aha ee Covid19, kadib markii ay Guddidan Ku Wareejisay deeq dhan $840,000 oo Dollarka Marayklanka ah oo isugu jirta $640,000 oo ay ku soo iibisaday qalabka xanuunka lagula tacaalo iyo $200,000 oo kaash ah  oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xanuunka Covid19, shirkadda ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa gaar ahaan Madaxtooyada.

Munaasibadda Bandhigga Deeqda culus ee shirkadda TELESOM qaranka ugu deeqday waxaa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka hortagga Xanuunka Covid19, maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyada Somaliland ka tirsan.

Sida uu sheegay Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada TELESOM. Shirkaddu iyada oo ka jawaabaysa baaqii xukuumadda Somaliland u jeedisay ganacsatada, shirkaddu waxay guddida ku wareejisay dhammaan noocyadda qalabka looga baahaan yahay in lagula tacaalo xanuunka Covid19 qalabkaasi oo uu qiimihiisu dhan yahay $640,000, kana koobnaa aaladda lagu cabiro xumada, mishiinka Neef-caawiyaha, qalabka lagu baadho dheecaanada iyo Waji-saabka (Face Mask) dhakhaatiirta.

“Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 oo qoys raashinkood iyo qalabkaas oo u dhigma $640,000. Waxaan jecelahay madaxweyne ku-xigeen in aad naga guddoontaan”, sidaasi waxaa yidhi Cabdinaasir Aadan Nuur, xubin guddida sare ee shirkadda Telesom ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Bade ayaa shirkadda TELESOM ugu hambalyeeyey deeqdan qaaliga ah ee ay qarankooda ugu yabooheen isaga oo sheegay in deeqdan waxna ay qalab ku keeneen waxba ay lacag naqad ah oo kaash ah ku keeneen isaga oo sheegay in shirkadda looga bartay in ay wakhtiyada adag umaddooda is garab taagaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylic ayaa isna shirkadda Telesom ku bogaadiyey kaalinta ay qaranka ugu jirto, waxaanu ku amaanay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto hawlaha ka hortagga Covid19. waxaanay ahayd deeqd ku soo beegantay wakhtigii loogu baahi badnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here