Xukuumadda Oo Qiratay In Aanu Hal Ambalaas Lahayn Cisbitaalka Burco Iyo Tiradii Ugu Badnayd Koroona Virus

0
881

Hargeysa, May 9, 2020- (Foore)- Masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ahna xubnaha guddida cudurka la tacaalidda iyo ka hortagga cudurka halista ah ee Coronavirus waxa ay shalay shaaciyeen in kiisaskii ugu badnaa Somaliland laga helay shalay oo Jimce ahayd kadib markii sida ay sheegee shaybaadkii dalka la keenay uu si rasmi ah u shaqaynayo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Bade oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi: “Maanta oo Jimce ah (Shalay) oo ay Bishan May siddeed tahay waxaad ogaydeen in aannu hawlgalinay oo uu shaqaynayo shaybaadhkeennii casriga ahaa ee PCR ka oo aannu ku qaadnay tijaabooyin. Dad badanna aannu ka qaadnay dhiigag. Lixdan qof ayaannu illaa imika dhiig ka qaadnay waxaana laga helay xanuunkii oo qaba 11 qof. 11-kaa qof waxa ka mid ah Ilaahay ha u naxariistee hal qof oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isna dhinaca kale faahfaahinaya xaaladdani waxa uu yidhi: “Maanta sidaa wasiirkuba innoo sheegay waxa aynu tiradeenii hore ku darnay 11 qof. Waxaanay tiradii aannu hore u haynay ahayd 12 qof. Waxaanay tiradu hadda sidaa ku maraysaa inta qof ee cudurkan laga helay Somaliland 23 qof. Waxaanay tirada dhimashadu tahay saddex qof. Tirada bogsatayna ay tahay saddex qof. Dadkan cusub ee 11-ka qof ah ee hadda laga helay waxa ay u qaybsan yihiin 8 rag ah iyo saddex dumar ah. Saddex ka mid ahi waxa ay joogaan gobolada halka siddeeda qof ee soo hadhayna ay joogaan magaalada Hargeysa”.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo wariye Xasan Galaydh wax ka waydiiyay gabadhii xaaladda layaabka leh kala kulantay iyo sidoo kale Cisbitaalka Magaalada Burco oo aan lahayn wax gaadhi ah oo Ambalaas ahaa waxa uu ku jawaabay sidan: “Inantaasi waxa ay caddaysay in loo shaqeeyey. Waxa ay caddaysay in la geeyey goobta gargaarka degdegga ah oo daawooyin loo qoray. Waxa ay sheegtay in laga qaaday oo qaybta lacagta la geeyey oo oksajiin la siiyay. Daawooyin la siiyay oo ay saddexdii shiftiba la kulantay way qiratay. Waxa ay sheegtay in dhakhtarkii shiftiga saddexaad wuu ii yimid bay tidhi laakiin waxa ay tidhi daawadii ayaanu ii soo qorin bay tidhi. Xaaladda aannu ku jirnaa waa xaalad heegan ay way shaqaynayaan shaqaaluhu. Dadka fekerkooda iyo sida ay shaqadu u socotaa way kala duwan yihiin. Inantaasi waxa ay shaqaalaha caafimaadku ogaadeen in aanay lahayn astaamihii xanuunkan looga shakiyi lahaa waana sababta ay gargaarka degdegga ah u geeyeen. Waxa ay u dawaynayeen Namooniya ahaa (oof-wareen). Sidaasi ayaanu dhakhtarkii ugu horreeyeyna ku qancay in xaaladdeedu Namooniya (oof-wareen) tahay. Shaybaadhkiina waanu ka qaadnay mana hayo xanuunku oo waxa ay noqotay negative wayse baqanaysay”.

“Ambalaas ma leh oo wuu fadhiyaa ambalaaskii Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco sannadkan ayaanu ugu talo galnay miisaaniyadda in aannu uga iibino. Cisbitaalka Burco uunbaanu joogine ambalaasyo kale Magaalada Burco way joogaan. Waxa aynu u baahanahay in aynu qorshe u samayno cisbitaallada, dhawr iyo sagaashan ambalaas baa yaalla waddanka oo dhan”. Ayuu yidhii Agaasimaha Caafimaadku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here