Qiso Shacabku Ka Qarracmay Oo Bannaanka Usoo Saartay Fashilka Dul Hoganaya Qorshaha Xukuumaddu Ku Wajahayso Cudurka Corona Virus

0
964

Hargeysa May 9, 2020- (Foore)- Qisada Haweenay reer Somaliland oo Hargeysa ku nool oo sheegtay in ay isaga shakisan tahay inuu hayo cudurka Korona Fayras ayaa waxa ay walaac weyn ku abuurtay shacabka Somaliland iyada oo bannaanka u soo saartay fashilka dul hoganaya qaabka xukuumaddu illaa hadda uga hawl galayso cudurkan iyo sida aanay shacabka Somaliland u haysan gagaar degdeg ah oo ay isku hallayn karaan iyo cid wax u qaban kartaa toona kadib markii ay sheekadeeda la wadaagtay shacabka oo ay ku baahisay baraha Bulshada.

Hani Asad Daahir oo sheegtay in ay Hargeysa degan tahay waxa ay xustay in ay isaga shakisan tahay cudurka Covid19 sidaa darteed ay wayday adeeg ay ka hesho kadib markii ay aad u xanuusatay wakhtiganna xanuun culus u jiifto gurigeeda waxaanay qoraalkaasi oo dhiillo badan xambaarsan ku tidhi: “Magacaygu waa Hani Asad Daahir, dhawaan ayaan isku arkay caalamadaha Covid19, waxaan isku arkay Qufac, xumad iyo neef-qabatow saa’id ah, waxaan la xidhiidhay telefoonka Heeganka waana layga qaban waayey. Kadib wiil ayaa i caawiyey oo usoo sheegay. Waxa uu igu yidhi  daawooyin baan farriin kuugu soo dirayaaye isticmaal, haddaad ku ladnaan waydo igu soo celi, dawooyinkii baa laysoo iibiyay, waan ku ladnaan waayay, naqaskii baa aad ii qabtay, kadibna telefoonkii ayaan dib u garaacanay maqribkii illaa dhawr jeer markii nalaga qaban waayay anna naqaskii i qabtay, ayay xaafaddu go’aan satay in lay qaado oo dhakhtarka la i geeyo, anakoo dhexda ku sii jirna ayaa telefoonkii nalaga  qabtay, waxaana naloo sheegay in Dhakhtarka Wayn (Hargeisa Group Hospital) lay keeno, kadibna dhakhtarkiibaan sidaa ku tagay, qaybta Emergency-ga, markii aan galnay ma jirin adeeg caafimaad oo degdeg ah oo la ii fidiyay, waxaana laysoo dhaweeyay qaybta Emergency-ga oo ay joogaan dad xanuuno kala duwan qabaa, halkii ay ahayd in goob gaar ah laygu eego, waxoogaa markaan goobtii fadhiyay ee sariir bannaan la ii waayay, ayaan wiil dhakhtarka ka shaqeeya oo ay xaafaddayada macaariif yihiin ii shaqeeyay iina gudbiyay Qololka Danbe ee Dhakhtarka (Qaybta Lacagta la iska bixiyo). Halkii ayaa la i dhigay, walaashay oo ila socotay ayaa la yidhi iyada ayaa ku haynaysa, waxaana laygu rakibay Oksajiin. Walaashay lama siin wax ka hortag ah oo qalab ah maadaama ay iyadu i haynayso, xitaa Af Gashi iyo Gacmo gashi ha u yaraadaane, Anigayga Bukaanka ah xattaa layma siin. Walaashay Nimco Asad, waxay suuqa nooga doontay  Waji xidh iyo Gacmo xidh oo halkii kali ah qiimo ahaan yahay wax ku dhaw $1. Ma jirin gargaar la ii qabtay, xumaddii oo iga yara dejiyey mooyee qufaacii iyo neef-qabatowgii wali waan dareemayay. Xalay gabadhii neerasta ahayd waxay Ilawday inay isiiso dawadii aan qaadanayey Walaashay ayaa dhawr jeer xafiiska tagtay waanay weydey. Anna waxaan dareemayey xanuun Saacad iyo badh ka bacdi waxay isiisay Nimco  Dawadii Oo ay igasiisay kaanoolihii aan xidhnaa. Markii aan daawadii qaatay saacad kabacdi ayey ii timid oo gabadhii Neerasta  ahayd i weydiisay dawadii waanan u sheegay in aanu weynay dhamaantood oo qaadanay daawadii. Kaltanka saddexaad (Shift C) gii ayey soo galeen qoladii kale. Wuu isoo maray kadib wuxuu I yidhi Daawo ayaan kuu qorayaa. Haye Ayaan ugu jawaabay. Xafiiskiisii ayuu ku noqday waanu illaaway inuu  ii keeno daawadii isaga oo sidii ah ayuu saaka waagu ku baryey. Meesha ma joogaan Cid nadaafadda ka shaqaysaa, waxaanu xaafadda ka dalbannay Masaxaad iyo baaldi iyo iskoobe aanu iskaga nadiifino. Saaka subaxnimaddii ayaan Wiil kamid ah Neerasta meesha ka shaqaynayay ayay walaashay ka codsatay in uu Sariirta ii hagaajiyo, Cay iyo Aflagaado ayuu ugu jawaabay , Aniga ayàa u kacay oo soo xareeyey Walaashay Nimco. Waliba iyada oo ooyeysa oo ka ooyeysa Xaalka meesha iyo daryeel la’aanta waliba Kibirku la socdo. Waxaanan u sheegay in Annagu aaanu u baahanahay oo aan iskaga dul qaadano inta uu Xaalkaygu dhinac uun u dhacayo oo soo baxayso jawaabtu. Si Cad waxa uu noo yidhi naa Baxa oo na dhaafa.

Ugu danbayn, Markii aan waayay adeeg caafimaad oo la ii qabto aan ka ahayn oksajiintaas, markii aan waayay Qalab aniga la i siiyo oo aan isku ilaaliyo, ama walaashay oo i haynaysay la siiyo, markii Neerasta meesha joogtaa si fiican noola dhaqmi wayday, ee cay iyo afladaago la ii raaciyay, dhakhtarkii waan iskaga soo baxay, hadda qolkaygii ayaan Alle ku sugayaa. Waxaa la iga qaaday baadhis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-May-2020, wali waan sugayaa  jawaabtayda. Isoo duceeya walaalayaal. Ilaahay ayuunbaa inoo maqan”- W/Q  Hani Asad Daahir Oo Magaceeda Facebook yahay Hani Duniyo Asad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here