Mucjisada Qisada Dadkii Ilaahay Daanyeerka Ka Wada Dhigay Markii Ay Ku Xadgudbeen Awaamiirtii Alle Faray

0
1000

Koox ka mid Yahuudda oo deganaa magaalo xeeb ku taalla oo lagu sheegay inay tahay Eyla oo haystay diintii Nabi Muuse CS ayaa lagu imtixaamay inaanay kaluumaysan maalinta Sabtida oo ay cibaadaystaan oo kaliya. Yahuuddii degenayd magaaladan ayaa Eebbe ka dalbatay maalin ay cibaadaystaan oo aan wax shaqo ah aanay qaban. Kadibna Eebe SWT waxa uu faray in maalinta Sabtida ay cibaadaystaan oo aan loo ogolayn inay shaqaystaan ama kalluumaystaan, balse maalmaha kale oo dhan way shaqaysan karaan oo kaluumaysi tagi karaan. Ilaahay kor ahaaye waxa uu ku imtixaamay degmadan in kalluunku debada usoo baxo maalinta Sabtida ee aan loo ogolayn inay kaluumaysataan hase ahaatee maalmaha kale waa lagu cidhiidhiyey ama kalluunku maba yimaaddaba xeebta oo waa la waayaa.

Yahuuddii deganayd magaalo xeebeedkan way u dul qaadan waayeen imtixaankii oo waxay bilaabeen in ay khiyaameeyaan Ilaahay SWT. Maalinta Jimcaha ah ee loo ogolyahay kalluumaysiga ayey xeebta dhigeen shabaaktii lagu dabayey kalluunka, habeenkiina way kaga seexdeen si kalluunku markuu yimaadu maalinta Sabtida ay ugu hadhaan shabaga, waxa kale oo la yidhi godod ayey qodeen si kalluunka sabtida imanaya ay ugu reebaan. Markay arrintii u suurta gashay ayey dadkii deganaa magaaladan u qaybsameen saddex qaybood. Qolodii kalluumaysatay waxay tidhi; Annagu waxaan kalluumaysannay maalinta Jimcaha oo naloo ogolyahay. Qolodii labaad oo ahaa kuwa fiican ee aan ilaahay caasiyin ayaa waxa ay yidhaahdeen; ILAAHAY SWT waxa uu innaga xaaraantimeeyey kalluunka maalinta Sabtida, idinkuna kaluunkii Sabtida ayaad kaluumaysateen, waa khiyaano cad ee joojiya macsida aad waddaan. Qolodii saddexaad ayaa u tagtay qoladii wanaagsanayd oo ku tidhi; Maxaad ka waaninaysaan qoom Ilaahay khiyaaneeyey oo Eebe cadho kusoo ridayo. Kuwani halkii ay dadka ka wacdiyi lahaayeen ayey kuwii wanaagsanaa ee xumaanta reebayey niyad jabiyeen.

Kuwii wanaagsanaa waxay yidhaahdeen: Annaga waajibka na saaran ayaa ah inaan waaninno dadka xumaanta falaya, hadday doonaan ha dhagaytaan ama ha diidaan ee waajibkayaga ayaa ah inaan u nasteexayno cid kasta. Dadkii deganaa magaaladan ee aan ka qaybgalin kalluumaysiga xaaranta ah waxay xidheen guryahoodii oo ka fogaadeen xumaanta iyo xeeladdaa farsamaysan ee Yahuuddaasi falayeen.

Maalintii danbe ayaa dadkii Sabtida kalluumaystay ay isu baddaleen Daanyeero, Subxaanallaah. Kadibna waxay u tageen ehelkoodii ayagoo aan hadli karayn, markay ehelkoodii arkeen ayey canaanteen oo ku yidhaahdeen miyaanaan idinka reebin xumaanta iyo khiyaamada maalinta Sabtida, daanyeerradiina waxay ruxeen madaxa oo waxa ay ku jawaabeen Haa.

Eebbe waa ciqaabay kuwii ku xadgudbay maalintii Sabtida, kuwii kale ee wanaagsanaana waa koryeelay oo ka badbaadiyey cadaabkii. Kuwii kale ee ayaguna aan xumaanta samayn laakiin aan cidna waanin ayagana waa laga aamusay. Waana laysku khilaafay in iyagana la badbaadiyey iyo in iyagana lala cadaabay kuwii falka xun ku kacay.

Ilaahay SWT qur’aankiisa Kariimka ah ayuu qisadan layaabka leh innoogaga warramay waxaanu ku yidhi: “Waydii (Yuhuuda) Magaaladii Badda ku Dhawayd (Dadkeedii) markay Xadgudbayeen Sabtida, oo Kalluunkoodu u Imanayey Maalinta Sabtida ah isagoo Muuqda, Maalintaan Sabti ahaynna uma Timaaddo, saasaana ugu Imtixaannaa Faasiqnimadooda Darteed}.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here