Ma Dhabaa In Barxadda Dhinaca Galbeed Ka Xigtay Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa La Doonayo In Cid Gaar Ah Laga Xaraasho?

0
242

Hargeysa, May 9, 2020- (Foore)- Maalmihii ugu dambeeyey waxa soo baxaya xogo tibaaxaya in dad gaar ahi ku wareegayeen Barxadda weyn ee dhinaca Galbeed kaga dhegsan Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo la sheegay in cido gaar ahi doonayaan in lagu wareejiyo.

Sida ay xalay daabacday shabakadda wararka ee Somalilandtoday, Xoggo soo baxaya ayaa tibaaxay in maalmihii ug u dambeeyey ay soo shaac baxday hadal hayn badan oo la xidhiidha warar sheegaya in barxaddaasi oo dhinaca galbeed kaga dhegan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa gaar ahaan qaybta dhimirka oo ay wakhtigan ku yaallaan ganacsiyo yaryar sida maqaaxi shah iyo goob gaadiidka lagu farsameeyo ay soo baxayaan warar sheegaya in dad gaar ah lagu wareejiyey, inkasta oo aanay wali soo bixin xogo rasmi ah oo ku aaddan dhulkani, waxaana la sheegay in shaqsiyaad Ganacsato ahi ay ku geef wareegayeen toddobaadkii aan soo dhaafnay.

Sidoo kale warbixintan ay shabakaddu daabacday waxa ay intaasi ku daraysaa in Xogaha ay ka hellayso illo wareegayo u dhuun daloola arrintan ay xuseen in dadkii ku Ganacsanayey goobtaas oo Dan yar ahaa in la faray in ay isaga guuraan goobtan, taasi oo muujinaysa in loo sii barraxayo  shaqsiyaadka la doonayo in lagu wareejiyo.

Geesta Kale sida shabakadda Somalilandtoday baahisay waxa soo baxaya warar sheegaya in dhul kale oo ku yaallay xaafadda shacabka gaar ahaan agagaarka Huteelka Saba, goob u dhaw Xarunta Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Iyana la dhisanayo.

Isku soo duuboo inkasta oo xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland lagu dhaliili jiray dhulka danta guud ah ee lagu wareejiyo dad gaar ah ayaa xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE waxa dhacday in dhul badan la dhistay oo ay dad gaar ahi qaateen halka ay mar walba soo noqnoqdaan eedaha iyo cabashooyinka shacabka ee la xidhiidha dhul la isku qabsado ama la qaato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here