Kumuu Ahaa Saxaabigii Maydkiisa Ay Malaa’igtu Maydhay Iyo Qisada Layaabka Leh Ee Ku Jirta Mucjisadan

0
1821

Dagaalkii Uxud markuu dhamaaday ayaa Nabigu (N.N.K.H.A) wuxuu baadi goobay saxaabadiisii ku geeriyootay dagaalkaas iyo kuwii ku dhaawacmay, kadibna waxa la helay saxaabadii Xamse ibnu Cabdulmudalib, Muscab ibnu Cumayr, Anas ibnu Nadri, Sacad ibnu Rabiic iyo Xandala ibnu Abucaamir oo ku shahiiday dagaalkan, kadibna Nabigu wuxuu yidhi: Ilaahayoow, kuwan anigaa marag u ah maalinta qayaame. Saxaabada shahiiday waxa kamid ahaa saxaabiga Xandala ibnu Abucaamir oo reer Aws ahaa.

Saxaabigan Xandala wuxuu guursaday gabadh uu dhalay munaafiqii waynaa ee Cabdilaahi ibnu Ubay ibnu Salool oo la yidhaa Jamiila bintu Cabdilaahi hase ahaatee iyadu waxay ahayd gabadh saxaabiyad wanaagsan ah. Habeenkii bari oo kale ay tahay dagaalkii Uxud ayuu la aqal galay kadibna subaxii markii la gaadhay ayaa lagu dhawaaqay dagaalka, markaasuu soo baxay isagoo degdegsan, wuxuuna lahaa janaabo oo aanu ka soo maydhan kadibna dagaalkii ayuu ku geeriyooday. Markay saxaabadii arkeen maydkiisii ayey waxay hareertiisa ka heleen qoyaan iyo biyo lagu maydhay maydkiisii, kadibna Nabiga ayaa loo sheegay markaasuu yidhi: Malaa’igtii Rabbi ayaa maydhay ee bal arrinkiisa soo waydiiya haweenaydiisii.

Haweenaydiisii Jamiila ayaa tidhi; wuxuu iga soo baxay isagoo janaabo leh kadibna dagaalka ayuu ku geeriyooday, sidaas darteed ayey malaa’igtii Rabina u maydhay maydkiisii. Waa mid kamid ah karaamadii saxaabigaa Xandala ibnu Abucaamir.

Saxaabadii Ansaarta oo isu faanaya ayaa reer Aws waxay odhan jireen: Anaga waxaa naga mid ah: kay malaa’igtu maydkiisa maydhay Xandala ibnu Abucaamir, mid carshiga Raxmaanku u gilgilmay oo ahaa Sacad ibnu Mucaad, ku maydkiisii ay shinni difaacday Caasim ibnu Thaabit iyo kii maragiisu u dhigamayey laba nin (Khusayma ibnu Thaabit).

Saxaabiga malaa’igtu u maydhayna waa Xandala ibnu Aburaafic ilaahay haka raali ahaadee.

Saxaabiga carshiga raxmaanku u gariiray markuu dhintayna waa Sacad ibnu Mucaad.

Saxaabiga Shinnidu difaacdayna waxa weeye Caasim oo wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar kadibna gabadha la yidhaa Sulaafa ibnu Sacad ayaa ku dhaaratay inay madaxa Caasim ay khamri ku cabto dabadeedna qaab shirqool ah ayaa loo dilay isaga iyo sagaal saxaabi oo uu hogaamiye u ahaa, markay gaaladii dooneen inay madaxa gooyaan ayey shinni meel ay ka timid aan la garanayn ay isku dabooshay jidhkii ninkaas, waxayna yidhaahdeen: galinka danbe ayaan usoo laabanaynaa, markay soo laabteenna waxay heleen maydkii oo daad meel uu ka yimid la garanayn uu qaaday, sidaas ayuu Ilaahay SWT ku badbaadiyey jidhkii Caasim ibnu Thaabit. Saxaabiga markhaatigiisu labada nin u dhigmayeyna wuxuu ahaa Khusayma ibnu Thaabit oo waxa la sheegaa inuu nabigu ka iibsaday Faras ninka la yidhaa Sawa ibnu Qays kadibna wuu dafiray dabadeedna waxa u marag kacay nabiga saxaabigan kolkaasbuu nabigu ku yidhi: maxaa kugu kallifay inaad markhaati ka noqoto waxaanad ila joogin markaasuu yidhi Khusayma: Rasuulkii Ilaahayoow waxaan ogaaday in wax kasta ood la timid uu yahay xaq waxaanan gartay inaad adigu run sheegaysid, markaasuu nabigu ku dhahay: cidii Khusayma u markhaati kaco way ku filantahay, sidaas awgeed ayaa maragiisa looga dhiga mid u dhigama laba qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here