Gaarisa (Foore)- Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa ganacsatada ka howlgala suuqa xoolaha ee magaalada Gaarisa kula talisay inay raacaan talooyinka dhanka caafimaadka ah oo looga hortaggayo cuduruka Corona, waxaana lagu taliyay in gacan qaadka ay sameeyaan marka xoolaha lakala iibsanayo lagu baddalo in ulo la isku taabto.
Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqeysata seyladaha xoolaha ayaa inta badan wey is gacan qaadaan marka lagu heshiiyo qiimaha lagu kala iibsanayo xoolaha. waana caado ay Soomaalida oo dhammi leedahay. Qiimaha ayay xataa ku gooyaan oo qaab Af Garasho ay faraha isugu taabtaan hab gacan qaad ah.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa ganacsatada tusay sida ulaha laisugu taabto intii ay is gacan qaadi lahaayeen.
Wasaraadda caafimaadka ayaa barta Twitter-ka soo gelisay nidaamka cusub ee loo dejiyay xoola dhaqatada.