Burco, May 7, 2020- (Foore)- Cuqaal, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sanaag oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay xaaladdii ugu dambaysay deegaanka Fadhigaab ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay labada beelood ee walaalaha ah. Kuwaasi oo si gaar ah uga qayliyay cabashana ka soo saaray xubnaha dawladda ka socda ee deegaamadaasi u jooga nabadaynta. Halka ay dhaliilo culus u soo jeediyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku tilmaameen Madaxweyne deegaanka ay ka soo jeedaan ka hiiliyay oo ku wacad furay sida ay hadalka u dhigeen. Odayaashan ayaa sheegay in ay gabi ahaanba ka soo hor jeedaan dawladda iyo qaabka ay u maaraynayso xasilinta Sanaag Galbeed oo ay ku tilmaameen arrin aanay aqbalayn.
Odayaashan oo mid mid Makarafoonka u boobay ayaa waxa hadalladooda ka mid ahaa kuwan: “Deegaanka aanu ka soo jeednaa waxa ay gabi ahaanba ka soo horjeedaan oo diiddan yihiin xukuumadda. Shan sano ayaa Gobolka Sanaag dagaal ka socday oo labadaa beelood isku dilayeen. Xukuumaddu maalin kama ay maqnayn. Waxyeelo mooyee wax alla wax ay ka qabatay ma jirto. Haddeerna Madaxweyne waxaanu ku leenahay inta aad meesha gaysay ka soo qaado. Guddidii Habar Jeclo iyo Garxajis ee hore Burco ugu shiray waxaannu leenahay waar maantana Gobolkii Sanaag taga oo annagu nabad baanu haynaaye maanta halkaa taga. Wixii dhacay dhace wixii dambe uun ha la daba qabateeyo oo aan badbaadino. Wixii dhacayna aan ka wada xaalno. Xisbiyada Mucaaridka Ayaan anuu farriin u dirayaa waxaan leeyahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro haddii garasho sidaa kaa tahay lagu waa haddii aad is lahayd Muuse Biixi iyo dadku ha is bartaana, waxaanu ku leenahay waar la is baraye kaalay oo wax qabo oo umadda maanta dhex gal”.
“Shantaa sanadood ee dagaalkaasi deegaankaasi ka socday xukuumaddu mar walba waxa ay dhabarka kaga taagnayd Biciide. Waanu u dul qaadanaynay oo waanu u samraynay. Waxaanu is lahayn waa xukuumaddiinii, waanu u samraynay waxba hasoo naaso caddaan waaye. Haddii aanay waxba ka baddalin oo aanay wax ka baddalin xaaladda Fadhigaab, sidii raggii horeba yidhi Axmed Faarax Madi maaha. Madaxweynaha waxaanu leenahay nimankakan wasiirrada ah ee Ceel Afweyn jooga caddaalad ma soo sidaan waxaanu garan la’nahay laba reer oo is dilay siyaasadda gashay. Nimankaasi ka soo qaad meesha”.
“Halkan waxa ka hadlaya beesha Muuse Abokor. Anigu gaar ahaan waxaan kasoo jeedaa Beesha Axmed Faarax. Dawladda waxaannu leenahay waar annagu idiinma imanayno illaa aannu caddaalad helno. Waa go’aanka Axmed Faarax qaatay. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sameeyay wax mustaxiil ah oo aan laga filayn. Waxa aad mooddaa in uu xintamayo. Waxa uu weeraray huteelkii sharciga lagu haystay. Waxa uu waliba u diray qoyskiisii oo ah Nuux Taani oo ah kan ugu sarreeya ciidamada qaranka Somaliland. Haddii ay ka dhab tahay haka qaado ka badhtamaha magaalada uga dhisan ee tiyaatarka ah ee uu Kontonka sannadood siiyay. Ina Aw Siciid haka qaado waa qoyskiisa. Hadalkii Suldaanka ayaanu taageersanahay sharciyad baannu Suldaanku u leeyahay Huteelkaasi”.
“Saddex Arrimood baan anuu ka hadli doonaa oo kala ah midi waa Madaxweynaha, Midna waa Wasiirrada uu Fadhigaab u soo dirsaday midna waa ta Huteelka. Horta markii ugu horraysay ee lagu doortay Madaxweyne waxaad tidhi farta ayay dhexda ka qaniini doonaan kuwii I doortay. Meel aannu fadhinay baa midi naga dhex kacoo waxa uu yidhi kuwaa uu u jeedaa waa Habar Jeclo. Ta Huteelka waxaan ka leeyahay waar Madaxweyne haddaad Inaadeerkaa Nuux Taani u dirtay oo tidhi qabo dabadeed ma mid Sacad Muuse ah ayaad siinaysaa?. Kuwa Wasiirrada ah waxaan leeyahay haddii Biciide la idiin soo diray waar weerarka ha joojinina oo la idin yidhi laaya oo qabqabta waxaan idin leeyahay ha joojinina Iyana cid bay leeyihiin. Waxaannu leenahay 70-kaa Tiknikada ah ee Fadhigaab la isugu geeyay halaga soo qaado”.