Hargeysa, May 2, 2020- (Foore)- Alle Ha U Naxariistee Marxuum muddoba ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa ayaa shalay Galab ku geeriyooday Cisbitaalka Karantiilka ee dawladdu u diyaarisay in dadka looga shakiyo ama qaba cudurka COVID19 kaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ku xanuusanayay Magaalada Hargeysa.
Marxuumkan oo maalmihii ugu dambeeyey ku xanuusanayay Cisbitaalka Karantiilka ayaa wargeyska Foore loo xaqiijiyay in uu shalay Galab geeriyooday Ilaahay ha u naxariistee kaasi oo looga shakisan yahay in uu u geeriyooday Cudurka Karoona Fayras.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ahi waxa ay wargeyska Foore xalay u xaqiijiyeen in Marxuumkan oo da’diisu ahayd dhawr iyo siddeetan jir kana tirsanaan jiray ciidamada qaranka Somaliland shalay geeriyooday kaasi oo la sheegay in baadhitaano hor-dhac ahaa oo lagu sameeyey lagu ogaaday in uu qabo cudurka Covid19 balse aanay wali guddida heer qaran ee La Tacaalidda iyo ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee COVID19 aanay wali si rasmi ah u shaacin lana filayo in ay maanta shaaciyaan.
“Waxa uu ahaa nin oday ah oo da’ ah kaasi oo muddoba u xanuunsayaa cudur looga shakiyay Karoona Fayras. Waxa uu karantiil ugu jiray mid ka mid ah goobaha xukuumaddu u diyaarisay dadka karantiilka ah ee xanuunkan looga shakiyo ama baadhitaannada lagu wado kaasi oo ah cisbitaal ku yaalla magaalada. Waxa nagu maqaalo ah in baadhitaano hordhac ah oo laga helay ninkaasi odayga ah lagu ogaaday in uu qabo xanuunka. Guddidu waa ay ogtahay xaaladda marxuumka waxaanay amar ku bixiyeen in dawladda hoose aasto” sidaa waxa wargeyska Foore xalay u sheegay mid ka mid ah dadka xog-ogaalka ahaa ee la socday xaaladda ninkan odayga ah ee shalay galab geeriyooday.
Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Bade oo ka war bixinayay xaaladda Karoona Fayras uu walaac weyn ka muujiyay jiritaankiisa oo uu sheegay in fiditaankiisu yahay xaqiiqo jirta oo sii kordhaysa imikana la diidi Karin ee loo baahan yahay in loo kaco sidii gacmaha la isugu qabsan lahaa la dagaalankiisa iyo ka hor taggiisa. Waxaanay xaaladda Marxuumkani ka dhigaysaa qofkii labaad ee Somaliland ugu geeriyooda cudurkan.