“Amma Madaxweyne Wax Isku Ahaada Ama Ha Isu Ahaanina Hantidan Haddii Ay Iyagu Leeyihiin Way Qaadanayaan Waana La Siinayaa”….Maxamed Cali Bile

0
1188

Hargeysa, May 2, 2020- (Foore)- Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Cali Bile ayaa ka hadlay dhulka in muddo ahba muranku ka taagnaa ee ay isku haystaan qoyska Madaxweynaha iyo dad danyar ahi dhulkaasi oo ku yaalla galbeedka Magaalada Hargeysa. Agaasime Maxamed Cali Bile oo waraysi siinayay telefishanka SAAB TV waxa uu sheegay in dhulkaasi aan cidna dulmi lagaga qaadi Karin.

Agaasimaha Madaxtooyadu waxa uu yidhi: “Anigu waxaan qabaa oo aan rumaysanahay qofku mansabka uu doono ha hayo, ama qoys ha noqdo ama shakhsi ha noqdo, ama Madaxweyne ha noqdo ama qof shacab ah ha noqdo qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo oo la siiyo. Shakhsi shacab ah in la dulmo ma aha. Qofna in la yidhaa waxaad wax isu tihiin madaxweynaha oo markaa xaqaagii ka tag maaha. Dad kaloo islaam ah oo innoo dhaxeeya ayaa jira oo Dawladdii Hoose leh, oo degmadii leh, oo hawlihii guud leh, oo xildhibaanno leh, oo joomitarro leh, dadkaasi way wada dhaarteen oo kitaab bay gacanta saareen. Qofka madaxda ahna yaan lagu baqo maalin wax buu xoogayaa qofka miskiinka ahna yaan la xoogin taasi waa halkeeda.

Dadkaasi way wada dhaarteen. Dadkaasi ayaa umadda u wada dhaxeeya. Haddii wixii ay gooyaan ay gardarro ku gooyaan iyaga ayaa ku gubanaya haddii ay gar ku gooyaana qofna uga tagi maayo Madaxweyne ayaad wax isu tihiine hantidaada iyo xoolahaaga ka tag, qofna uga tagi mayo. Ama Madaxweyne wax isu ahaada ma ha isu ahaanina hantidan haddii ay iyagu leeyihiin way qaadanayaan waana la siinayaa haddii aanay lahayna dee ciddii u dhaxaysa ayay tahay in ay uga jarto ee kitaabka ku dhaaratay. Waxaan qabaa in caddaalad la qaado oo aanu qofna xoolihiisa ku waayin madaxweyne ayaad wax isu tihiin. Qofna aan lagu dulmiyin waa lagaa xoog weyn yahay”. Ayuu yidhi Maxamed Cali Bile, Ag. guud ee Madaxtooyadu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here