Muqdisho, April 27, 2020- (Foore)– Waxa ay noqotay dhacdo xiiso leh oo dad badan oo dunida ah soo jiidatay kadib markii wiil aad u da’yar oo Soomaali ahi la yimid hal-abuur layaab leh oo ay dad badani rumaysan kari waayeen kadib markii uu hindisay qalab wakhtigan dadkiisu aad baahi weyn ugu qabaan oo ay u dhimanayaan kaasi oo ah qalabka lagu neefsado oo uu isagu gacantiisa ku hindisay.
Iyadoo Soomaaliya uu aad ugu yar yahay qalabka neefta siiyo Bukaanada naqasku ku dhago ee loo yaqaan Ventilator, ayaa waxaa qalabka neefta sameeyey wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa sheegay inuu qalabkaan ugu talagalay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ee dhibaatada ku qabo inay helaan qalabka neefta siiyo dadka.
Wiilkan ayaa sheegay inuu arrintan ku howlanaa muddo 20 maalmood ah markii uu maqlay wiil aabihiis Oxygen la’aan ugu geeriyooday Magaaladda Muqdisho.
Qalabka uu wiilkani sameeyey ayaa ah qalab Manual ah oo aan u baahneyn inay dadku riixaan, taasoo si weyn loo soo dhaweeyay.
Qaar ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho ka howlgalo ayaa sheegay inuu qalabkani yahay mid si weyn u anfacaya dadka Soomaaliyeed, waxayna isbitaalada qaar ku dhawaaqeen inay isticmaali doonaan qalabkan.