Hargeysa, April 27, 2020- (Foore)- Haween tiro badan oo danyar ah oo u badan hooyooyin aad u diifaysan ayaa waxa ay subaxnimadii hore ee shalay mudaharaad salmi ah ka dhigeen agagaarka qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay la hor tageen mudaharaad ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin iyo cabashada ay ka qabaan hawl-galka dawladda Hoose ee Hargeysa ku baabi’isay meherado yaryar oo ay ku lahaayeen suuqa Ganacsiga ee Gobonimo (Ex. Xisbiga) oo maalmihii ugu dambeeyey dawladda Hoose cagta marisay.
Haweenkan cabashada Mudaharaadka ku muujinayay oo sitay boodhadh iyo halku-dhegyo ay ka mid yihiin “Madaxweyne Magan baanu kaaga nahay dawladda hoose”, “aanu xuquuqdayada helno” iyo kuwo kale ayaa waxa ay Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen in arrintooda si degdeg ah loo eego maadaama noloshoodu cidhiidhi gashay oo goobihii yaryaraa ee ay qoysaskooda ka masaariifaysan jireen dawladda hoose baabi’isay taasi oo keentay in aanay dabka shidan tan iyo marki meheradahooda la baabi’iyay.
Qaar ka mid ah haweenkan mudaharaadka dhigayay ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen sidan: “Waxa aannu nahay ganacsato yaryar oo danyar ah oo cid walba isugu jirta. Qabiil walba leh. Xisbiga hareerihiisa ayaanu deganayn. Soddon sano ayaanu deganayn intaa dalka dib loogu soo noqdayba. Maanta waxa naloogu jawaabay oromo ayaanu raafnay oromana ma nihin. Cashuur naguma baaqato wax walba sidaasi Ayaanu u bixinaa oo diyaar ula nahay waxaanu nahay muwaadiniin danyar ah oo dalkooda jecel. Maanta ku 13 cisho ubadkayagii way qatan yihiin. Qoro dabadii ayaa naloo miciinsaday oo agabkii waa nalaga baabi’iyay. Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa in uu degdeg arrinkayaga u eego. Ciddii oromo ah dawladdu ha baadho oo ha ogaato iyo ciddii muwaadiniin ah. Haddii aannu oromo nahay iskorogooyin nagu gura oo Wajaale nagu daadiya”.
“Waxa aannu isugu jirnaa hadhuudhlay iyo wadhatalay kaleba. Iyada oo aan digniin iyo meel naloo diyaariyay jirin baa nalagu bilaabay cagaf oo nala galiyay oo agabkayagii iyo hantidayadii nalaga daadiyay. Alaabtaydii bannaanka ayaa lagu qubay. 13 maalmood waxa nagu jirta cagaf iyo askar. Waxa lagu odhanayaa fartaada iyo cidda aad u codaysay eerso. Waar xaggee ka nimid miyaannaan ahayn dad muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah. Dadkan maatida ah ee qaarkood laxaad la’yihiin kuwo kale liitaan kuwo kale da’ yihiin madaxweyne adiga ayaa lagaala xisaabtamayaa ee umaddan xaqiiqdii bay rabtaa dulmigu ma wanaagsana. Inta kuraasida ku fadhida oo kali ahi ma aha in ay xaq dalka ku leedahay”. Ayay tidhi haweenaydan oo qiiro badani ka muuqatay.
Ugu dambayn Hooyo kale oo da’ ah oo ka mid ahayd haweenka bannaan baxa samaynayay ayaa Iyana waxa ay ay ereyo geeraar ah ku cabbirtay dareenkeeda waxaanay tidhi: “Waanagii cararaynay ee Calanka raadso lahayn ee codka dhiibi ogayn ee casarkii baxaynee ma na qaadday cadceeddii”.
Dhinaca kale haweenkan ayaa waxa ay ku andacoonayeen in dhulka laga qaaday ee dawladda hoose kala wareegtay dad kale la doonayo in loo sharciyeeyo oo lagu wareejiyo.