Berbera, April 27, 2020- (Foore)- Maamulkii iyo saraakiishii ugu sarraysay Kastamka Cashuuraha Magaalada Berbera ayaa shaqada laga caydhiyay halka maamulihii kastamka Kala Baydh ee Gobolka Gabiley isna loo soo baddalay Magaalada Berbera.
Ilo-wareedyo xog ogaal ah oo wargeyska Foore u warramay ayaa noo xaqiijiyay in Maamulkii Kastamka Magaalada Berbera la eryay baadhis culusna lagu wado kadib baadhitaano muddooyinkii ugu dambeeyey ku socday oo ka dhashay xaalado wax is daba marin ah oo lagu sheegayay in muddo ahba halka wararka aanu ka helayno xaaladdani noo xaqiijiyeen sidoo kale in Maamulkii Kastamka Kala Baydh isna loo baddalay Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil.
Masuuliyiinta la caydhiyay waxa ay kala yihiin Maamulihii Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro, Maamule ku xigeenkiisii Maxamed Ismaaciil, Maamulaha qaybta Barxadda Kastamka Berbera Cali Madhaafaan iyo Maamule ku xigeenkiisii Cabdiqani Qayre ayaa dhammaantood sidoo kalena lagu wado baadhis culus.
Dhinaca kale waxa Kastamka Magaalada Berbera loosoo magacaabay Axmed Habane oo hore u ahaa lagana soo baddalay Kastamka Magaalada Kalabaydh halka isna Maamulaha cusub ee Kastamka Kala-baydh loo soo magacaabay Cabdikariin Cawaale.
Wararkan waxa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire oo dhawaan la sheegay in uu guddi u saaray xaaladda ka taagnayd kastamka Magaalada Berbera iyo dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay uu tallaabo adag ku qaaday in uu shaqada ka caydhiyo dhammaanba saraakiishii ugu sarraysay Kastamka Cashuuraha ee Magaalada Berbera halka sidoo kale wasaaradda Maaliyaddu baadhitaan culus ku waddo saraakiishaasi.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda Kastamka Magaalada Berbera ayaa dhawaan hadal hayn badani ka soo baxaysay kadib markii lagu eedeeyey fal musuq ah oo kastamkaasi ka dhacay lamana oga in saraakiishan sidaa gabi ahaanba shaqadii dawladda lagaga eryey iyo in kale oo baadhitaano uun lagu samayn doono.