Hargeysa, April 27, 2020- (Foore) – Inkasta oo amarkii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku joojisay Geedka Qaadka inuu dalka soo galo uu Shalay ka bilaamayay ayaa haddana waxa xalay shidnaa oo lagu kala gadanayay Qaybo ka mid ah Magaaladda Hargeysa.
Wargeyska Foore oo Shalay illaa xalay isku dayay, una kuurgalay inuu wax ka ogaado sida uu u fulay amarkii Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee ku saabsanaa Joojinta Geedka Qaadka sababo la xidhiidho ka hortaga Fiditaanka Cudurka Coronavirus ayaa waxa noo suurtagalay oo aanu wax badan ka ogaanay in gabi ahaanba suuqyaddii hore ee lagu gadi jiray Qaadka lagu guuray islamarkaana loo guuray suuqyo cusub oo horleh kuwaasi oo xalay si weyn loogu kala iibsanay Qaadka islamarkaana waxa keli ah ee isbadel uu ahaa qiimihii hore inuu in yar uun uu sare uga kacay.
Sida ay noo sheegeen macaamiisha Qaadka cunaa, inkasta oo uu qaadkii Daraad uu wax yari meelahaasi kasii yaalay, oo la xaseeyay, haddana waxa jiray qaad badan oo lasoo kootara-baaniyay Shalay kaasi oo isagoo cusub xalay suuqyo Hargeysa ku yaala lagu gaadayay. Wararka aanu helnay ayaa sheegaya inta badan darafyadda Magaaladda Hargeysa lagu iibinayay iyadoo warar kale ee aanu helnay ay sheegayaan in Gaadiidka Tukaanka Lagu dul iibinayay islamarkaana ay si dhuumaysi ah u iibinayeen Qaadka.
Telefanka ayaa si weyn loogu kala gadanayay Xalay Qaadka waxaanu qofku isagoo gurigiisa jooga uu ku dalbanayay Qaadka, waxaana halkaasi loogu keenayay gaadhi “walaal aniga waxaan la iigu keenay Guriga, Dawladdu way nagu qaaliyaysay uun, gaadiid ayaa lagu dul iibanayaa, Waan haystaa oo waa uu isoo gaadhay, Telefankayga uubaan ku dalbaday, suuqyo Cusub ayaa ka furmay Darafyada Magaalada” Cabdiraxmaan Maxamed.
Dhinaca kale Qiimaha Jaadka ayaa intii hore sare uga kacay, waxaanay noo sheegeen dad wargaleen ahi in illaa saddex Boqol lagu kala iibsanayay Kiilooga ama geedka Jaadka ah, halka uu awalkii hore ka ahaa Laba boqol oo kun.
Goobaha qaadka lagu kala iibsanayay oo aannu la xidhiidhnay ayaa qaarkood ku andacoonayeen in uu yahay qaadkii dorraad Magaalada la keenay ee aannu ahayn qaad cusub balse waxa ay dad kale oo goob jog ahaa noo xaqiijiyeen in qaad badani shalay magaalada hab suuq madaw ah ku soo galay taasi oo si calan ah oo cad suuqyada loogu kala iibsanayay.
Dhinaca kale Caasimadda Gobolka Awdal ee Magaalada Boorama oo aannu xalay la xidhiidhnay ayaa wariye goob joog ahi wargeyska Foore u xaqiijiyay in si weyn magaalada loogu kala iibsanayay qaadka oo si cad dadku goob kasta ugu qayilayeen uguna kala iibsanayeen.