Muqdisho, April 23, 2020- (Foore)- Dhawaan Dawladda Soomaaliya waxa ay Magaalada Muqdisho ku daah furtay Mashruuc ay ugu magic dareen Baxnaano oo ah mashruuc sama-fal ah kaasi oo la sheegay in uu maal-galinayo Bangiga Adduunku dawladda dalkaasina ku darsatay qorshaheeda Horumarinta Qaranka, kaasi oo la sheegay in deegaamada laga fulin doono ay ku jiraan degmooyin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Mashruucan oo xukuumadda Soomaaliya sheegtay in lagu daryeeli doono dadka tabaalaysan ee xoolaha iyo dagalla beeruh ka baaba’een waxa si adag uga cadhootay xukuumadda Somaliland oo shalay war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegtay in aanu mashruucaasi khusayn, farriimo ay beesha caalamka u kala dirtayna ku sheegtay in wixii waxtar ah ee beesha caalamku doonayso in ay ku taakulayso Somaliland si toos ay ugu soo wareejiyaan xukuumadda Somaliland.
Dad badani waxa ay haddaba is waydiinayaan deegaamada Somaliland ee la sheegay in ay ku jiraan liiska deegaamada dawladda Soomaaliya sheegtay in Mashaariicdaasi laga fulin doono waxaana liiskaasi ku jira Degmooyinka Badhan, Gabiley, Saylac iyo Lughaya oo dhammaantood ka dhisan dhulka Somaliland.
Mashruucan oo ay dawladda Soomaaliya ku sheegtay in ay ka faa’iidaysan doonaan shacab ka badan Hal Milyan iyo Saddex Boqol oo qof waxa lagu muujiyay shaxda 21 Degmo oo ay Afartaasi degmo ee Somaliland ku jiraan kuwaasi oo inta kale ka kala tirsan yihiin Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Halka ay sidoo kale dawladda Soomaaliya degmada Badhan raacisay Maamul Goboleedka Puntland.
War-saxaafadeedkii ay dawladda Soomaaliya ku sheegtay daahfurka Mashruucan waxa ay ku tidhi sidan: “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.”
Dawladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in Mashruucan ay ku baxayso lacag dhan 4 Milyan oo Dollar waxaana dib laga ogaaday in Mashruucan uu dawladda Soomaaliya ka caawinayo Bangiga Adduunku. Sidoo kalena la filayo in deegaamada Somaliland ee mashruucan lagu xusay ay ka fulin doonaan hay’adaha UNICEF iyo WFP.
Ugu dambayn, ilo xog ogaal ahi waxa ay wargeysa Foore u xaqiijiyeen in mashruucani Somaliland ka hir galayo oo xukuumaddu hay’adahan kala saxeexatay si kasta oo ay shalay u sheegeen in aan dalka laga qaban Karin mashruucan.