“Afar Wiil Oo Meel Is Taagay Oo Yidhi Jabhad Baanu Nahay Wax Weyn Maaha, Cid Qori Sidatana Kuma Arki Karno Fadhigaab”..Taliska Ciidanka Qaranka Ee Sanaag

0
1093

Ceerigaabo, April 23, 2020- (Foore)- Taliyaha qaybta Saddexaad ee ciidanka qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag Sarreeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo ay hareero fadhiyaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada qaranka Somaliland ee Fadhiisinkoodu yahay Gobola Sanaag, waxa uu si adag uga hadlay kooxdii dhawaan sheegatay in ay yihiin Jabhad ka bilaabantay Galbeedka Gobolka Sanaag oo uu ku tilmaamay koox afar qof ah oo aan mudnayn in la buunbuuniyo halka uu sidoo kale hanjabaad u diray maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay deegaanka Fadhigaab oo uu sheegay in aan deegaankaasi laga ogolayn qof dambe oo hub la soo gala ama la soo baxa.

Sarreeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo warbaahinta shalay kula hadlay Magaalada Ceerigaabo waxa uu sheegay in maalintii dagaalku ka dhacay deegaanka Fadhigaan ee Bishan April ahayd Sagaal iyo Tobanka goobta dagaalku ka dhacay ay ku sugnaayeen qaddar kooban oo ciidamada Ammaanka ah (Booliska) balse markii dambe ay gurmad goobta dagaalku ka dhacay ku yimaaddeen ciidamada qaranku kuwaasi oo si rasmi ah ula wareegay ammaanka goobta dadkii dagaalamayayna kala dhex galay oo sidaa ku hakiyay dagaalkii.

Sarreeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ma Ogolaan doono wax beel ahaan u socda. Aqbali mayno oo ogolaan mayno wax beel ahaan u dagaalamaya. Wax dariiq istaagaya ma doonayno in aannu aragno, ogolaana mayno. Gacan baanu ku qabanaynaa. Waxa aanu ku shaqaynaynaa awaamiirtii Madaxweynuhu bixiyay. Malintii dagaalku ka dhacay fadhigaab ciidamada booliska oo tiro yar ah ayaa meesha ku sugnaa balse markiiba ciidamada qaranka ayaa gurmad ku yimid oo dagaalka joojiyay. Ma doonayno in umaddeenu isku layso mar kale sidan waxaanu ku shaqaynaynaa siyaasadda Madaxweynaha waxaanan amar ku bixinay in la qabto cid kasta oo dhib keenaysa ama nabadda carqalad ku ah”.

Dhinaca kale Sarreeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf oo ka hadlayay jabhaddii dhawaan lagaga dhawaaqay Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay isaga oo sheegay in aanay ahayn wax macno leh saamayn leh, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Jabhadda laga hadlayaa wax weyn maaha. Waxa ay ahaayeen wax aan 10 nin gaadhin. Waxa aan u arkaa in dadku buunbuuniyay oo laga dhigay wax belaayo ah. Afar wiil oo meel is taagay oo yidhi Jabhad baanu nahay. Beelhihii deegaankaasi ka soo jeedayna ma raacsana oo waxa ay yidhaahdeen ma raacsanin mana ogolin. Afar nin oo meel is taaga haddii la buunbuuniyo oo la hadal hayo dee libaaxyo ayayba isu qaadanayaan. Maxay yihiin waaba afar wiil oo meel taagtaagan oo aad arkaysay in warbaahinta laga arkayay. Beeshii iyo deegaankii ay ka soo jeedeen iyo cuqaashoodii iyo wax garadkoodii baa ka hadlay oo aan ogolayn. Waxaan leeyahay waar dadkiina ku soo biira. Somaliland maanta jabhad iyo waxaasi uma baahna. Wax jabhad la yidhaa dalkan ka shaqayn mayso. Waxa dantu ku jirtaa in ninkii wax tabanayaa sheegto oo yidhaa waxaasaan tabanayaa kadibna la xallilo oo xal laga gaadho”.  Ayuu yidhi Taliyaha qaybta 3aad ee ciidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag Sarreeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here