Xaaladda Xorriyatul Qawlka Iyo Midda Madaniga Ah Oo Hoos U Dhac Ku Yimid Muddadii X/KULMIYE

0
805

Hargeysa, April 20, 2020- (Foore)- Iyadoo ay guud ahaan Somaliland kaga jirto kaalin bogaadin mudan waddamadda Xorriyad Siyaasadeed iyo mid madani ah wax ka haysta (Partially Free) sida mac-hadka FREEDOM HOUSE ku xusay warbixinihiisa Xorriyadda ee sanadlaha ah, ayaa haddana waxaa xusid mudan in saddexdii sano ee u dambaysay hoos u dhac ku dhacay xorriyadaha Saxaafadda iyo midda madaniga ah. Sidan baanay dhibcuhu ahaayeen:

Sannadkii 2018 (44 dhibcood)

Sannadkii 2019 (43 dhibcood)

Sannadkii 2020 (41 dhibcood)

Hoos u dhacan xorriyadaha hadalka, ra’yi dhiibashada, doorashada, sarraynta sharciga, tartanka xor iyo xalaalasha ah iwm ayaa walaaceeda leh. Tobankii sanno ee u dhaxeeyay 2007 illaa 2017 oo sanad walba la cabirayey heerka Xorriyadahan uu sugay distoorka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa Somaliland aanay kor u kac wayn ka samayn kaalinta ay ku jirto halkaas oo ay ku negaatay waddamada la yidhi waa “Badh Xor/Partially free”.

Sannadka Xor. Siyaasadda, Maddaniga

2007 5,4 (UDUB)

2008 5,4 (UDUB)

2009 5,5 (UDUB)

2010 4, 5 (UDUB/KULMIYE)

2011 4, 5 (Kulmiye)

2012 4, 5 (Kumiye)

2013 4, 5 Kulmiye)

2014 4,5 (Kulmiye)

2015 5,5 (Kulmiye)

2016 5,5 (Kulmiye)

2017 4,5 (Kulmiye)

FG: Derejada u saraysa ee la rabaa waa 1, ta u hoosaysaana waa 7. Derejo 1 ah macnaheedu waa Xorriyad taam ah, halka 7 ka tahay Cabudhin joogta ah. Markaa 4-ta ka sarraysa, derejada 5-ta. Sida shaxda 10-ka sanno ka muuqata mar keliya Xisbiga Kulmiye intuu joogay Somaliland 4 dhibcood ma keeninin Xorriyadda Maddaniga oo ay soo hoos galayso xadhiga saxafiyiinta iyo Siyaasiyiintu. Muddadan ayaa dalka waxaa soo maray laba xukuumadood Oo UDUB iyo Kulmiye kala ahaa kuwaas oo sannadkii 2010-kii la kala wareegay taladda dalka. Haddaba markaad eegto xukuumadii UDUB ayaa kaga wacnayd tan Kulmiye (2010 ilaa hadda) celcelis ahaan dhanka Xorriyaddaha Siyaasadda sida madax-banaanida saxaafadda, xorriyada is-abaabulka iyo ra’yi dhiibashada. Sannadihii 2009, 2015 iyo 2016 ayaa hoos u dhac (5,5) wayni soo gaadhay Xorriyadahan Siyaasadeed iyo maddani ee Somaliland. Saddexdaas goor laba ka mid ah talada gacanta Kulmiye ayay ku jirtay halka sanadka saddexaad oo ah 2009-kii ay olole ba’an ugu jireen Kursiga.

Qabashaddii doorashadii Madaxwaynaha ee 2017 ayaa loo diiwaangaliyay Somaliland korkac dhanka xorriyada siyaasada taas oo luntay imika dibna loogu noqday hoos u dhicii xorriyadaha. Waxaa ugu wayn oo dib u dhaca imika loo aanaynayaa muddo-dhaafka muddo xileedka Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida, Muddo-kordhinta joogtada ah, Xadhiga iyo cabudhinta saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo qorayaasha, madax-banaani la’aanta Garsoorka, iyo faro-galinta suuqa dhaqaale ee xorta ah.

Allaa Mahad leh,

Qormadan waxa qoray: Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Halkan hoose ka dheeho Jaantuska qiimaynta Freedom House iyo dalalka qaarkood:

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here