Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Fool Ka Fool Ah Oo Deeg- aanka Fadhigaab Ku Dhex Maray Laba Beelood Oo Walaalo Ah, Hub Culus Oo La Isu Adeegsaday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
1208

Fadhi-gaab, April 20, 2020- (Foore) – Dagaal aan waxba la iskula hadhin oo la isku adeegsaday hubka noocyaddii kala duwan ayaa shalay laba beelood oo walaalo ah ku dhex maray Deegaanka Fadhigaab ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.

Dablay hubaysan oo ka kala tirsan laba Biilood oo Deegaanka Fadhigaab wada degga oo walaalo ah ayaa dagaalkaasi ku lug lahaa, waxaanu Dagaalkaasi sida lanoo sheegay uu dabada ku hayaa Aano-dil dhawaan kala gaadhay labadaasi beelood ee deegaankaasi wada degga, Waxaana uu ka bilawday arooryaddii hore ee Shalay Deegaanka Fadhigaab oo dhul ahaan kuyaala meel udhexaysa Degmada Gar-Adag iyo Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag. Dad deegaanka ku sugan ayaa noo sheegay in daagaalku uu ka bilawday Duleedka Tuuladda Fadhigaab iyadoo markii dambena gudaha la iskula soo galay.

Muuqaalo laga soo duubay Dagaalkaasi oo shalay lagu Baahiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayay Dayaanka Hubka Culus ee ay labada dhinaca isku adeegsanayeen, Qiiq Cirka isku shareeray, guryo gubanaya oo holcaya iyo sidoo kale dumar iyo caruur laga daad guraynayo Tuulladda Fadhigaab, waxa kale oo la arkayay dad qaylo dhaan u soo diraya Xukuumadda islamarkaana codsanaya in la soo kala gaadho beelaha walaalaha ah iyagoo dhinaca kale muujinayay inaanay jirin wax ciidan ah oo kala dhex galay Jabhaddaasi.

Dad deegaanka Fadhigaab ku sugan oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay inuu dagaalku uu bilawday abaaro 8:30-kii aroornimo islamarkaana uu joogsaday illaa gabal dhicii shalay, iyagoo labada jabhadood iskood ukala daalay. Dagaalkaasi ayaa wax ka dhashay khasaare kala duwan oo baahsan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Tiro illaa saddex qof gaadhaysa ayaa laga soo sheegayaa inay dagaalkaasi shalay ku dhinteen halka dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Ciidamo kuwa Qaranka ka tirsan ayaa sida lanoo sheegay, Shalay galinkii dambe ka soo ruqaansaday deegaanka Ceegaag oo masaafo fog u jirta goobta dagaalka kuwaasi sida loo malaynayo ku soo aadan goobta dagaalka.

Dhinaca kale, baaq nabadeed oo xoogleh ayaa Qaybaha bulshadu u diraysay illaa xalay iyagoo labada beelood loogu baaqayay inay xabadda joojiyaan, gogosha nabaddana dib ugu noqdaan iyada oo aan la ogayn siduu arrin noqon.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here