Hargeysa, April 20, 2020- (Foore)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah Madx-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco iyo Galbeedka Sanaag ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey in uu dhayalsaday markii hore Jabhaddii uu hore ula baxay Kornayl Siciid Cawil Caarre balse Markii dambe uu Madaxweynuhu Jabay isaga oo bixiyay lacag dhan Hal Milyan oo Dollar, oo waliba Baryootamaya oo leh iga qabta sida uu hadalka u dhigay isaga oo dhinaca kalena sheegay in Jabhadda lagaga dhawaaqay dhawaan Glabeedka Gobolka Sanaag aanay ahayn jabhad ku timid doonista ama qorshaha beeshiisa balse ay ahaayeen ciidamo ka cadhooday ciidamada qaranka oo xalkeedana looga fadhiyo Madaxweynaha.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo warbaahinta la hadlay waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyey in uu noqday masuul aan cidna la tashanayn cidna talo ka siinayn dhibaatooyinka dalka yaalla sidaa darteed ay isaga dambarsan doonto, kuna baaqay in ay xukuumaddu dal degdeg ah ka gaadho caabshada saraakiisha beeshiisa ee uu sheegay in ay Jabhadda ku dhawaaqeen oo aan la reerayn qaddiyaddaasi.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Caarre anigu Abti baan u ahaa. Caarre oo afar inan iyo gaadhi Sayraf ah wata baanu nidhi heshiiska noogu dar Madaxweyne. Madaxweynaha hadda jira iyo xukuumaddiisu way diideen. Waxa ay noqotay in uu baxo oo Qardho tago oo ciidan abaabusho oo awood yeesho. Madaxweynihii aannu maalintaasi Caarroo afar inan wata iyo gaadhi yar oo sayraf ah oo labadayada qabiil ee meesha degta nagu soo celiyey oo marki dambe Caarre awood yeeshay oo uu diiday in uu heshiiska qaato ayuu markii dambe Madaxweyne Muuse jabay. Maalintaa hore Hore kiiska Caarre waxaanu ku tala galnay in aannu la xallilno. Dawladdu heshiiskaa in ay ku darto way diidday markii dambe way ballaadhatay. Awood baanu ku isticmaalaynaa baa la yidhi markii dambena waad ogaydeen halka ay ku dambaysay. Waxa ay noqotay hal Milyar oo Dollar iyo Caarre iga qabtaay ay ayay noqotay xaaladdii”. Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka hadlayay xaaladda ka taagan G/Sanaag.