Nin u dhashay dalka shiinaha oo Hindiya ku xayirnaa in ka badan 50 sano ayaa qoyskiisa dib ula kulmay. Wang Qi wuxuu ahaa askeri dagaal ku jiray oo si qalad ah uga tallaabay xuduudda, sanadkii 1963-dii, wuxuuna mudadaasi sugayay inuu helo warqado u saamaxi kara inuu dalkiisa dib ugu laabto. Waxaa jiray diblumaasiyiin Shiinaha u dhashay oo xilliyo kala duwan la kulmay, waxayna u sheegayeen mudadaas in dadaal dib loogu celinayo uu socdo.
Mr Wang waxaa garoonka Beijing ku soo dhoweeyay xubno ka mid ah qoyskiisa. Ka dib wuxuu u safray magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Xianyang, Waxaanasoo dhoweeyay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay “Ku soo dhowoow dalkaaga, askeri, waxaad soo martay safar dhib badan”. Wang Qi wuxuu caasimadda Hindiya ka duulay Jimcihii, waxaana wehliyay qaar ka mid ah caruurtiisa. Muddadii uu go’doonsanaa wuxuu guursaday xaas Hindi ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa siisay baasabooro qoyskiisa, waxaana loo sheegay inay la safrikaraan Mr Wang haddii ay doonayaan. Xaaskiisa oo xanuusanaysa ayaa awoodi wayday inay safarka ku weheliso, balse caruurtiisa waaweyn ayaa safarka u sii raacay. Ma cadda in Mr Wang uu qorsheynayo inuu dib ugu noqdo Hindiya. Looma ogolaan inuu qaato baasaboorka Hindiya muddadii 50 ka sano ahayd ee uu dalkaasi ku noolaa, balse wuxuu helay baasaboorka Shiinaha sanadkii 2013-kii.
Wang Qi wuxuu sheegay “in shaqadiisu ay ahayd inuu qorshe dagaal oo basaasnimo ah u sameeyo ciidamada Shiinaha si uu hawlgal u fuliyo, waxaana la qabtay xilli uu si qaldan ugu gudbay dhanka Hindiya, bishii January ee sanadkii 1963-kii isaga oo ka gudbay xadka ay wadaagaan Shiinaha iyo Hindiya.
“Waxaan xerada ciidankayga uga baxay hawl sahan ah, ka dib wadadii ayaan ka lumay. Waan daalay, waana gaajooday. Waxaan arkay gaadhi ay leedahay hay’adda Laanqeyrta Cas, waxaana weydiistay inay i caawiyaan. Waxay igu wareejiyeen ciidamada Hindiya”, ayuu yidhi ninkasi wakhtigaasi. Wuxuu toddoba sano ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo Hindiya ku yaalla, maxkamad ayaana siidaysay sanadkii 1969-kii. Ka dib booliska Hindiya waxay geeyeen tuulo lagu magacaabo Tirodi, oo ku taalla gobolka Madhya Pradesh. Looma ogoleyn inuu dalkaasi ka baxo mudadaas. Wuxuu ka shaqeyn jiray warshad daqiiqda sameysa, ugu dambeyna wuxuu guursaday haweeney deegaanka ah. Dadka deriska la ah waxay sheegeen inay “faqri aad u xun” ku noolaayeen.