Inkasta Oo Uu Dhibaato Badan U Gaystay Dadkiisa Haddana Wali Waxa Ay U Jecel Yihiin Si Weyn Waana Geesigooda

0
1025

Moscow (Foore)- Keligii-taliyihii Soofiyeetka Joseph Stalin ayaa silic baday dadkiisa, balse markii ugu horreysay daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka Ruushka u dhashay ay ninkan jecel yihiin. Xarunta Levada Center ayaa bishii March cod ka qaadday dad Ruushka u dhashay oo da’dooda ay ka weyn tahay 18, kuna kala sugan 137 magaalo. Natiijada ayaana sidan noqotay: 51% way qaddariyaan, way jecel yihiin amaba way ka helaan Stalin.

Sannadihii 1930-meeyadii, dhibaatooyinkii hanti-wadaagga Stalin ayaa hadheeyay Midawga Soofiyeeti, isagoo malaayiin qof u xidhay xeryo dadka lagu xamaasho amaba kooxo u idman inay xabbado ku furaan. Balse guushii Soofiyeetku ay ka guuleysteen Naasigii Jarmalka ayaa loo arkaa wax lagu faano.

Codbixinta Levada ayaa noqotay mid codadkii ugu badnaa loo qaado Stalin 20-kii sano ee la soo dhaafay, muddadaas oo xusuusta ninkani ay dib ugu soo laba kacleysay Ruushka. Taallooyinka cusub oo Stalin loo dhisay ayaa goobo badan oo dalkaasi ka tirsan laga taagay. Mid ka mid ah wargeysyada Ruushka oo warbixin ka qoray arrintaasi ayaa cinwaan uga dhigay: “Stalin Xiddig Sare”. Waxaad dukaamada Ruushka ka heleysaa waraaqaha derbiyada lagu xardho iyo waxyaabo kale oo uu Stalin ku sawiran yahay. Saynisyahan siyaasadeed Yekaterina Shulman ayaa ku sababeysay saddex arrimood. Waqtiga oo laga soo gudbay: “Dhacdooyinkaasi way fogaayeen,” ayay BBC-da u sheegtay. Buunbuuninta ay dowladdu u sameysay: Ms Shulman ayaa tidhi “yeynaan iska indho tirin xaqiiqda ah in Stalin loo aqoonsaday guushii dagaalka iyo hoggaamiyihii caqliga badnaa. Iyo in xilligii Soofiyeetka loo arko xilligii ugu wanaagsanaa”. Dareenka ah ka hor imaanshaha hoggaanka: “Tani waa qaybta ugu xiisaha badan,” ayay tidhi Ms Shulman. “Taallada Stalin ma aha isaga oo sax ah, balse waxaan xusuusta ka tirmeyn – waxaa loo arkaa inuu calaamad u yahay edbinta iyo inuu dagaal la galay saraakiil dhuuni-raac ah, oo maamul walba la loollamaya.”

Aragtida Raashiyaanka ee ku wajahan Stalin ayaa is beddeleysay tobanaankii sano ee la soo dhaafay. Markii uu noolaa waxaa caabudi jiray malaayiin qof oo ka soo jeeday Soofiyeetka, halka cid walba oo Soofiyeet ka hortimaadda loo arkayay shisheeye-kalkaal iyo mucaarad. Sannadkii 1956, kaddib dhimashadii Stalin, xaalad xasarad ah ayaa la galay: hoggaamiyihii hanti-wadaagga Nikita Khrushchev ayaa shakhsiyadda Stalin ku sheegay mid ku dhisneyd amar ku taagleyn iyo keligii-talisnimo, mar uu khudbad sir ah ka jeediyay sannad-guuradii 20-aad ee Xisbiga. Taasi waxay horseedday dabacsanaan aan cago adag ku taagneyn oo dhanka siyaasadda ah, iyadoo kumannaan maxaabiis ah laga sii daayay xerooyinkii shaqaalaha ee Stalin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here