Boqortooyada Sucuudi Carabiya Oo Xayiraaddii Ka Qaaday Xoolaha Soomaalida, Xaddiga Ay Qaadan Doonaan Iyo Shuruudaha Ay Ku Xidheen Iibka Xoolaha

0
1174

Riyaad, April 20, 2020- (Foore)- Xukuumadda Boqortooyada Waddanka Sucuudi Carabiya ayaa si rasmi ah waxa ay daboolka uga qaadeen in ay si ku meel kaadh ah xayiraaddii uga qaadeen Xoolaha Soomaalida ee inta ugu badan ka dhoofa Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland Arrintaasi oo Bushaaro weyn u noqonaysa dalka iyo dadkaba.

Sida ay habeen hore baahiyeen warbaahinta gudaha waddanka Sucuudigu Wasaaradda Deegaanka, Biyaha, iyo Beeraha ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaadeen xayiraadii saarneyd xoolaha looga soo dhoofin Jiray Deegaamada Soomaalida.

Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaraddan Deegaanka, Biyaha iyo Khayraadka Beeraha, islamarkaana la soo dhigay barta fariimaha gaa-gaaban ee Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay dib u fasaxday xoolaha looga keeni jiray geyiga Soomaalida, kuwaas oo muddo xayirnaa.

“Sacuudiga waxaa uu xayiraadii ka qaaday xoolaha looga keeni jirey Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee ka soo baxay wasaaradda deegaanka ee Sacuudiga. Waana dhawaaq ay si weyn ugu diirsadeen shacabka Soomaalidu oo inta badan dhaqaalahoodu ku xidhan yahay dhoofka iyo ka manaafacaadsiga xoolaha nool.

Sidoo kale Wasaaradda Sacuudigu waxa ay sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo Ido ah iyo 100 kun oo Nee foo Geel in looga baahan yahay oo la keeni doono suuqyada Ganacsiga Xoolaha iyo Hilibka ee maxalliga ah ee dalkaasi Sucuudi Carabiya, 30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa sheegtay in xayiraad ka qaadistan ay ku xidhan tahay shuruudo la xidhiidha bedqabka xoolaha iyo sida ay u shaqeeyaan maxjarrada ay soo maraan xoolaha Soomaalidu ee ay ka soo dhoofaan waana tallaabo waajib ka dhigaysa in xukuumadda Somaliland si weyn u ilaaliso fayo-qabka xoolaha u dhoofi doona dalkaasi Sucuudiga si ganacsiga xooluhu u sii socdo.

Xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo sayladaha waaweyn ee dalalka Carabta gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaddiga ugu badani waxa uu ka dhoofaa marsada caalamiga ah ee Magaalada Berbera yaasi oo si weyn sare ugu qaadda dhaqdhaqaaqa suuqa xoolaha iyo ganacsiga ee dalka iyada oo dhinaca kalena lacago cashuuro ah oo baddani xukuumadda Somaliland ka soo galo ganacsiga xoolahaasi kaasi oo mudooyinkii dambe xayirnaa kadib markii ay hore boqortooyada Sacuudigi xayiraad ku soo rogtay.

Markii uu warkani soo baxat ee ay dawladda Sucuudigu Tallaabadan ay qaatay ayaa waxaa soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Somaliland ee sida weyn ugu xidhnaa suuqa ganacsiga xoolaha Sucuudiga loo dhoofiyo, gaar ahaan kuwa xoolaha u iib-geeya dalkaasi.

Deegaamada Soomaalida guud ahaan ayaa caan ku ah wax soo-saarka iyo xoolaha, waxaanay waddmada Carabta la lahaayeen taariikh weyn oo Ganacsi oo dhinaca xoolaha ah sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale balse suuqa ugu weyni uu yahay kan Sucuudiga.

Dhinaca kale dawladda Taagta daran ee Soomaaliya ayaa waxa ay shalay soo dheweeyeen tallaabada dawladda Sucuudi Carabiya xayiraadda kaga qaaday xoolaha Soomaalida iyaga oo ku tilmaamay mid dhinaca wanaagsan loo qaaday wakhti la filayo in dhoofka xoolaha Soomaalidu sare u kaco maadaama dalkaasi la sheegay in uu u baahan yahay xaddi badan oo xoolo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here