Si Ay Dadkeeda Guryaha Ugu Hayso Ayay U Adeegsatay Inay Kaga Nixiso Dad Loo Ekaysiiyay Kuwo Qalfoof Ah Oo Reer Aakhiraad Ah

0
1141

Maalmahan dunidu ku jirto dhibaatada baaxadda weyn leh ee ka dhalatay cudurkan halista badan dunida ku haya ee Karoona Fayras waxa aad maqlaysaa qisooyin layaab leh oo ku lammaan xaaladdan taagan oo qaarkood cajaa’ibtoodu badan tahay.

Waddanka Indooniisiya waxa uu ka mid yahay dalalka Islaamka ugu tirade badan isaga oo lagu sheego in uu yahay waddanka Muslimiinta ugu badani ku nool yihiin ayaa wax aka dhacday qiso layaab badan oo la xidhiidha xaaladda Karoona Fayras kadib markii xukuumadda waddankaasi si ay dadka ugu celiso in ay guryahooda joogaan ay u adeegsatay in ay guryaha soo dhigto waraabe u tag dad ah oo muuqaalkooda laga dhigay sidii dad xabaalaha ka soo baxay (Reer Aakhiraad) si ay cabsi ugu abuurto dadka oo aanay dadku guryaha uga soo bixin.

Dhinaca kale Magaalo Iyana ku taal dalka Indonesia ayaa lagu soo waramayaa shacabka ku nool inay iskood u billaabeen iney u xidhaan dhar dadka cabsi gelinaya si aanay dadku ugu soo dhawaaan, oo ay u meel mariyaan talada caafimaadka ee kala fogaanshaha taasoo ay uga gol leeyihiin ka hortagga Covid-19.

Tuulada Kepuh ee ku taalla jasiiradda Java ee dalka Induniisiya waxaa xilliyada habeenka ka howl-gala ciidamada waddooyinka gaaf wareegga oo la socda dhaqdhaqaaqa dadka si dadka isu soocdkooda badan loo kaantaroolo. Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Indunisia labbiska cabsida leh ee dalkaasi looga yaqaanno “Pocong” waxay ku matalaan qofka xidhan inuu jin u ekaaday.

Sida ay sheegeyso xogta ka soo baxaysa Jaamacadda Johns Hopkinsa dalka Induniisiya illaa iyo hadda waxaa xanuunka Coronavirus laga helay 4,500 oo qof, iyada oo cudurkana ay u dhinteen 400 oo qof. Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in aad looga cabsi qabo tirada rasmiga ee saameynta cudurka uu dalka Induniisiya u geystay in sida la sheegayo ay ka khatar badan tahay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wakaaladda wararka ee Reuters oo booqday goobaha ‘Pocong’ uu ka dhaqan galay waxay sheegeen, xeeladaha aan loo baran ee loo isticmaalayo iyo sameynta uu ku yeelan karo dadka si iskood ah isugu dayaya iney isticmaalaan ay kala duwan yihiin.

Dad badani markii ay arkeen dadka waddooyinka taagan ee muuqaalkooda laga cabsanayo ayay guryahooda iska joogeen oo ku negaadeen oo aanay bixin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here