Shirkadda Bollywood Oo Ka Warrantay Sida Uu Caabuqa Covid 19 U Saameeyey Jilayasha Filimada India

0
999

Iyadoo adduunka oo dhan uu u xayiran yahay cudurka Covid-19 awgii, shirkadaha filimada sameeya ee dalka Hindiya waxay wajahayaan dhibaato xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ah, maadaama filimadii shaqadooda laga kala dhaqaaqay shaleeymooinkiina ay xiran yihiin, xilli xiddigihii filimadana ay guryahooda ku xareysan yihiin. Haroon Rashid, oo ah wariyaha BBC-da u qaabilsan isgaarsiinta Aasiya ayaa ka warramaya saameynta gaartay Bollywood-ka.

Bishii lasoo dhaafay xilligan oo kale, taageerayaasha Bollywood ee caalamka ku nool aad bay u faraxsanaayeen. Filimkii ugu dambeeyay ee uu hagayay Rohit Shetty ayaa la sugayay in Saneemooyinka laga baahiyo 24-kii March. Dadka sameeyay filimkaas, oo lagu magacaabo Sooryavanshi, waxay filayeen inuu si weyn uga iibsamo suuqa filimada ee box office, sababtoo ah sii deynta filimka waxay si aan ku talagal ahayn ugu soo beegantay maalin Hindiya ka ah fasax qaran.

Laakiin halkii taas la filayay, waddanka oo dhan wuxuu maalintaas galay xayiraad 21 maalmood ah, si looga hor tago ama loo yareeyo fiditaanka cudurka coronavirus. Siideynta filimka Sooryavanshi waxaa dib loogu dhigay waqti aan la cayimin.

Waxaa sidaasoo kale nasiib darro ugu dhacday filimka 83 ee uu hagay Kabir Khan, oo ah filim laga sameeyay kooxda reer Hindiya ee ku guulaysatay koobka adduunka ee cricket-ka, waxaana jilayay lamaanaha dhabta ah ee kala ah Ranveer Singh iyo Deepika Padukone. Filimkaasna wuxuu ballansanaa 10-kii bishan April. Khan oo ka hadlayay channel-kiisa youtube-ka ayaa yidhi; “Arrintan aad bay niyad jab u tahay”. “Runtii waxay faraha noo cuncunayeen inaan filimkaas u fasaxno caalamka. Laakiin xaaladdu waxay isu baddashay mid sida aan ku fakareynay ka weyn. Dunida oo dhan ayaa maanta xayiran, sidaas darteed waxay ila tahay daawasho filim waa laga muhiimsan yahay.” Coronavirus kaliya ma aanu saameynin filimadii la sii deyn lahaa.

Aktariishada lagu magacaabo Deepika Padukone waxay sheegtay inay “aad u nasiib badan tahay” sababtoo ah waxay qorsheyneysay inay u duusho waddanka Sri Lanka, si ay halkaas uga billowdo duubista filimkeeda cusub, maalmo yar ka hor inta aan xayiraadda la galin. “Arrinta fiican waa in aannaan ka bixin Mumbai. Kuma aannaan xayirmin meel kale. Waxaan garanayaa dad badan oo filimadooda gabogabo u ahaayeen oo isaga soo cararay,” ayey tidhi iyadoo la hadleysay wariye Rajeev Masand, oo dhawaan wareystay. Jilayaasha ayaa dhammaantood ku wada sugan guryaha, waxayna shaqooyinkooda ku qabanayaan gacmahooda, maadaama aanay jirin shaqaale la oggolyahay inay guryahooda kasoo baxaan.

Qaarkood, sida Deepika Padukone iyo Katrina Kaif, weelasha ayey gacmahooda ku dhaqanayaan. Kuwo kale, sida Alia Bhatt iyo Hrithik Roshan, waxay baranayaan xirfado cusub. Kuwo kale oo ka mid ah jilayaasha waxaa lagu eedeeyay inay “si dhab ah u qaadan waayeen” xaaladda lagu jiro. Farah Khan, oo ka mid ah agaasimeyaasha filimada waxay muuqaal ay soo dhigtay instagram-keeda ugu hanjabtay inay “xidhiidhka u jari doonto” qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caanka ah, haddii ay joojin waayaan “muuqaallada jimicsiga ah ee ay soo galinayaan”.

Waxay tidhi: “Waan fahmi karaa inay noloshiinnu idiin toosan tahay oo aanay jirin wax aad ka walwaleysaan adduunkan uu cudurka safmarka ah qabsaday. Annaga inteenna badan waan ka walaacsan nahay xaaladdan xun.” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here