Sheekh Sheegay In Xukuumaddu Dalka U Fasaxday Khamrigii, Xashiishaddii Iyo Qaadkii Ujeedada Ay Masaajidada U Xidhaysaana Tahay Gaallo Ay Ku Raalli Galiso Iyo Lacago Ay Ku Dawarsadaan, Una Hanjabay Saddex Wasiir

0
1615

Boorama, April 16, 2020- (Foore)- Sheekh Xasan Deheeye oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland gaar ahaana ku nool Magaalada Boorama ayaa si layaab leh oo adag waxa uu uga hadlay tallaabadii ay dhawaan Guddida ka hor tagga Caabuqa Karoona Fayras ku sheegtay in lagu hakin doono Masaajidada waxa uu ku sheegay wax aan la aqbali karayn oo aanu isaga iyo kuwa la midka ahi yeelayn, xataa haddii Masaajidada lagu hor tooganayo isaga oo sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay fasaxeen qaadka, Khamriga iyo maandooriyayaasha kele taa baddalkeedana Masaajidada u soo dhigteen wakhtigan isaga oo xusay in ay tallaabadaasi xukuumaddu uga gol leedahay in ay ku raalli galiso wax uu ku tilmaamay gaalo sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Xasan Deheeye oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama isaga oo cadho xooggani ka muuqato waxa uu si gaar ah u bar-tilmaameedsaday Wasiirrada Warfaafinta Saleebaan Cali Koore iyo Caafimaadka Cumar Cabdillaahi Bade iyo waliba Diinta iyo Awqaafta oo uu dhammaantood ku tilmaamay kuwo khiyaamo weyn oo dhinaca diinta ah ku kacay.

Sheekh Xasan oo Arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Mar Haddii Somaliland loo fasaxay Qaadkii, Khamrigii iyo Xashiishaddii iyo wax walba in dad Muslim sheeganayaayi in ay waddankoodii sidaa u galaan waan ka xumahay oo ay wasiirro dhammi inta ay isa soo taagaan yidhaahdaan qaadka lama qaban karo oo cashuur baa naga soo gasha. Madarasadihii qur’aanka ayay firin faarin ka dhigeen, galaasyadii waxbarashada ee ubadku wax ku baranayay ayay xidheen oo macalimiintii iyo caruurtoodiiba gaajo u bakhtiyayaan maanta. Kuwaasi ayaa haddana maanta yidhi masaajidadii hala xidho. Halkee u socdaan, ma waxa ay moodayaan in Ilaahay la xeeladayn karo. Ina Kooroow ma waxaad moodaysaa in aannu Ilaahay ku arkayn.

Raggiinaa wasiirrada ah ee Hargeysa ka hadlayaa markaad mukhaadaraadkii iyo wax walba fasaxdeen in aad doonaysaan in aad Ilaahay khiyaamaysaan. Wallaahi baydaan Ilaahay khiyaamayn karayn. Kuwa wadaado ah ee Awqaafta lagu sheegayow idinkuna la mid baad tihiin. Waar maxaad masaajidada ula dagaalamaysaan Ina Koorow, ka caafimaadkow, oo aad waliba noogu hanjabaysaan oo aad leedihiin askar baanu adeegsan doonaa. Wallaahi haddii ay Masaajidka hortiisa igu tooganayaan waxba kama qabo Ilaahay dartii baan ugu dhimanayaa. Waa in aad ogaataan. Walaalaheenaa Galmudug iyo kuwaa kale ee lahaa Masaajidadu waa meesha ugu dambaysa ee haddii laga maarmi waayo la xidhayo ayay Somaliland Iyana nambarka koowaad ka dhigtay meesha la xidhayo masaajidadii Ilaahay. Gaalo ayaad ku raalli galinaysaan. 15 Milyan oo Dollar baannu u baahanahay, waar lacagbaad ku doonaysaan”.

“Waar Aniga Sheekh Xasan Deheeye ayaa la I yidhaahaa ninkii I doonayow waxa aan idiin sheegayo idinka Ayaan idinku badbaadinayaa wax aan idinka hagranayo oo nasteexo ahi ma jirto. Maanta oo wixiinii, mukhaadaraadkiinii, maqaaxiyiniihii, majaalistiinii aad dabbaalanaysaan in aad tidhaahdaan Masaajidada xidha ma yeelayno taasi”. Ayuu yidhi Sheekh Xasan Deheeye oo ka mid ah culimada waaweyn ee Boorama.

Halkan Ka Daawo Hadalka Sheekh Deheeye:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here