Roma, April 16, 2020- (Foore)- Cilmi-baadhayaal reer Yurub ah ayaa sheegay in qiimaha dhaqaale ee Yurub ay ku khasaarto fayraska saameynaya geedaha Saytuunka ay gaadhi karto €20 oo bilyan oo u dhiganta 21.83 Bilyan oo dollar. Waxaa la saadaalinayaa in saameyn xun oo mustaqbalka ah uu geysto cudurkan lagu magacaabo Xylella fastidiosa, kaas oo dhir badan ku laayay Talyaaniga.
Sidoo kale, faafidda cayayaanka iyo jeermiska waa halis dhab ah oo ku wajahan geed Saytuunka dalalka Spain iyo Giriigga. Fayraska waxaa suuragal ah inuu sababo sare u kaca qiimaha Geedka Saytuunka ee laga miiro saliidda ugu qaalisan ee Saliid Saytuunta. Fayraska Xylella waxaa loo arkaa inuu ka mid yahay cudurrada ugu halista badan ee ku dhaca dhirta daafaha caalamka. Haddana looma hayo dawo lagaga hortago caabuqan. Wuxuu ku dhici karaa midhaha kala ah Cherry, yicibta iyo noocyo ka mid ah khudaarta, iyo sidoo kale Saytuunka oo ah kan ugu daran ee uu xasuuqay.
Markii ugu horreysay ee lagu arkay inuu ku dhaco Saytuunka waxay ahayd sannadkii 2013-kii oo la arkay geedo badan oo ugu dhintay Puglia oo Taliyaaniga ah. Waxaa fayraska sii faafiya cayayaan yaryar oo midhaha dhexgala. Fayraskan wuxuu sababayaa in geeduhu ay awoodi waayaan in biyaha ay cabaan ay u gudbiyaan qeybaha kale, muddo ka dibna way qallalayaan wayna dhimanayaan. Dalka Taliyaaniga, saameynta ka dhalata inuu fayraskani faafo, waxay noqotay arrin masiibo ah. Waxaa hoos u dhacay midhaha Saytuunka boqolkiiba 60%, tan iyo sannadkii 2013-kii. “Saameynta gaadhay Saytuunka waxay sidoo kale sababtay inuu hoos u dhaco qiimaha dhulalka iyo quruxdii gobolka,” ayey tidhi Dr Maria Saponari, oo ka tirsan Machadka CNR ee difaaca joogtada ah ee dhirta Talyaaniga.
“Waxay yeelatay saameyn xun oo dhaqaale oo soo gaadhay dadka deegaanka sida dadkii ka shaqeynayay beeraha.”. Sidoo kale hadda wuxuu fayraskani gaadhay dalalka Spain, Faransiiska iyo Portugal. Sida ku xusan cilmi baadhista cusub, waxaa jira qaabab kala duwan oo saamayn ay u yeelan karto sida xaaladda ka dhalan karta haddii uu hoos u dhaco wax soo saarka beeruhu. Kooxda waxay saadaaliyeen in Taliyaaniga, Spain iyo Giriigga ay saameynta ugu daran gaadhi doonto, kuwaas oo soo saara boqolkiiba 95% saliidda laga sameeyo Saytuunka ee Yurub.
Dalka Spain, caabuqu wuu ku sii baahay, inta badan geedaha Saytuunkana wuu ku dhacay wayna u dhinteen. Dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatana waxay sii socon kartaa illaa 50 sano. Sidoo kale, Taliyaaniga iyo Giriiga waxaa ka soo gaadhaya dhaqaale xumo aad u daran. Haddii xaddiga fayraska la xakameeyo lana yareeyo oo la abuuro dhir u adkeysan karta, ka dib waa suuragal in ay ka soo kabsadaan dhaqaale ahaan. Balse, dadka qoray warbixinta waxay aaminsan yihiin in wax kasta oo dhaca ay xaaladdan saameynteeda si ba’an u taaban doono dadka isticmaala saliidda laga sameeyo Saytuunka iyo gaar ahaan dhaqaalaha dalalkan.