Wajaale, April 16, 2020- (Foore) – Ciidamo militariga Itoobiya ka tirsan ayaa shalay lagu soo daadiyay Xuduudaha ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya kuwaasi oo gabi ahaanba xidhay isku socodka labada dal, arimo la xidhiidha Cudurka Corona Viruska ee dunida sadheeyay.
Ciidamadan ayaa si gaar waxa looga dareemay Shalay Magaalo Ganacsiyeedda Wajaale ee Gobolka Gabiley, waxaanay ciidankaasi gabi ahaanba kala xidheen labada Daamood ee Magaaladdaasi ka kooban tahay oo labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka kala tirsan, iyagoo Ciidankaasi gabi ahaanba xidhay isku socodkii dadka ee labada Daamood ee Wajaale, taasi oo Marqudha samaayn xoogleh ku yeelatay guud ahaan hab socodkii iyo noloshii caadiga ahayd ee Magaalo ganasiyeedkaasi.
Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Magaaladda Wajaale oo Wargeyska Foore lasoo xidhiidhay Shalay, Ciidan ku labisan Tuutaha militariga Dawladda Itoobiya, islamarkaana ku hubaysan Qoryaha Fudud iyo gaadiid Ciidan ayaa barqadii Shalay lagu soo daadiyay xadka kala badha Magaaladda Wajaale, kuwaasi oo mar qudha joojiyay isku talawgii dadka ee labada Daamood ee Wajaale, islamarkaana dadka ku amray inaanay isku gudbi Karin, waxay sidoo kale dhibaataynayeen cid kasta oo isku dayda inay amarkooda ka horyimaadaan. Waxaana lagu sheegay Ciidanka Itoobiya shalay ku soo rogtay Xuduudaha Somaliland illaa 5-kun oo Askari oo militari ah.
Dadkii ku sugnaa labada daamood ee u adeeg tagay waxa halkaasi ugu dhacday bandooda waxaanay illaa Xalay ku godoon sanaayeen daanta kale ee Wajaale iyagoo wax maare ah u waayay inay ku laabtaan guryahoodii ama halkii ay daganaayeen. Waxay sidoo kale arintani saamayn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaaladdaaasi maadaama oo ay magaaladdaasi tahay magaalo ganacsi, islamarkaana ganacsigeeda ugu badani uu ku tiirsan yahay dhinaca dalka Itoobiya. Dhinaca kale, Ciidanku waxay ogolaayeen oo qudha inay labada dal iskaga gudbaan wixii quutal daruuri ah sida raashinka iyo Khudaarta iyo Geedka Qaadka ah oo dhaqaale badani kasoo galo Dalka Itoobiya.
Talaabadan ayaa la sheegay inay xidhiidh la leedahay Hawlgallada Dawliga ah ee Dawladda Itoobiya wado ee lagaga hortagayo Cudurka CORONA VIRUSka, lamana garanayo wakhtiga rasmiga ah ee ay ku ekaan doonto, inkasta oo ay goobjoogayaal noo sheegeen inay rajaynayaan inay Dawladda Itoobiya ay fududayn doonto maanta culayska badan ee ay Shalay saartay Wajaale.
Guud ahaan Dadka ku dhaqan Magaalada Wajaale ee labada daamood ayaa Shalay illaa xalay xalad Xaalad Godoon ah kujiray, wallaw aanay dhinaca Somaliland wax talaabo ah oo lagu kala xidhayo labada Dal, aanay qaadin. Sidoo kale Guud ahaan Xuduudaha ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland ayaa laga soo sheegayaa Ciidankan oo lagu arkay. Xaaladda degmada Wajaale ayaa shalay noqotay mid kala xidhan oo bandoo ah.