Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Cagta Marisay Goobo Ganacsi Oo Ay Dad Danyari Ahi Ku Lahaayeen Agagaarka Guriga Xisiga Ee Gobonimo

0
876

Hargeysa, April 16, 2020- (Foore) – Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa arooryadii hore ee Shalay Hawlgal bannayn ah ka fulisay Suuqa Gobanimo ee Magaaladda Hargeysa waxaanay cagta marisay Ganacsiyo yar yar oo suuqaasi ku yaalay.

Ciidamo iyo Cagafta afka balaadhan ayaa waabarigii hawlgal culus ka bilaabay Agagaarka dhinaca koonfureed ee Gurigii Xisbiga la odhan jiray ee suuqa Gobonimo ee Xaafadda 26-june ee Magaaladda Hargeysa, waxaanay gabi ahaanba baabiiyeen Ganacsiyo yar yar oo u badnaa Tukaano iyo makhaayadaha laga shaaheeyo.

Waxay sidoo kale baabiiyeen Guryo ay ku jireen xaasas danyar ahi kuwaasi oo ku teedsanaa Guriga Xisbiga, iyagoo masuuliyiinta dawladda hoose aan wax daryeel ah u fidin dadkaasi ayaa waxaa la arkayay ubad aad u yar yar oo dibadda looga soo saaray arooryaddii hore guryaha si ay cagaftu u baabiiso, waalidiinta qaarkood ayaa gadood kala hortagay Hawlgalkaasi balse cidna wax dheg ha jalaq uma siin.

Wallow ay Dawladda hoose hore usii ogaysiisay dadkaasi haddana waxaa shalay lagu arkayay meheradihii ay cagaftu baabiinaysay Shalay raashinkii iyo agabtii ganacsi.

Inkasta oo xaaladdan oo kale marar badan soo noqnoqoto dad badanina ku doodaan in qaabka foosha xun ee dadka wadhatada ahi u degaan waddooyinka iyo guryaha hareerahoodu yihiin kuwo cidhiidhi iyo fool xumo baahsan ku keenay caasimadda haddana ma noqdo qorshe hir gala oo ay dawladda hoose guulo ka gaadho maadaama maalmo koobanba kadib ay sidiisa ku soo noqdaan kadib marka hawsha la fuliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here