19 Sano Ayuu Maalin Walba Eegayay Oo Daawan Jiray Qabriga Lagu Aasai Doono Marka Uu Dhinto Ugu Dambayna Lagu Aasay

0
1004

Muddo 19 sano ka hor ah, Samson Mwongera waxa uu diyaariyay qabriyadii lagu kala aasi lahaa isaga iyo xaaskiisa, balse ugu dambeyn dhawaan ayaa iilka la dhigay. Ninkan oo ku geeriyooday 77 sano ayaa howsha diyaarinta qabrigiisa guda galay isla markii uu howlab ka noqday shaqada ku dhawaad 20 sano ka hor, isla meeshii uu sameystay ayaana lagu aasay. Waxaa labada qabri oo gurigiisa ku dhex yaalla laga dhigay kuwo dhinaca isku haya, wuxuuna qorshuhu ahaa in ninkan iyo xaaskiisa kii hor geeriyooda qeybta hore lagu aaso, si kan kalena qeybta xigta loogu qoondeeyo. Warqad uu qoray ganacsadahan sanadkii 2003-dii ayuu ku caddeeyay inta badan dardaarankii uu bixin lahaa ka hor inta aanu geeriyoonin iyo sida uu u qorsheeyay dhaxalkiisa, geeridiisa kadib.

Arrintan ayey dad badan u arkeen rajo uu qabay Samson oo loo hirgaliyay geeridiisa ka dib, balse qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa fikrado kala duwan ka qabay halka dhab ahaantii ay ahayd in lagu aaso. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee beeshiisa ayaan soo dhaweynin fikraddiisa. “Waxaan dooneynay in lagu aaso meesha uu aabihii ku aasan yahay, laakiin markii uu isugu keen yeedhay, uuna noo sheegay inuu doonayo in goobtan lagu aaso, waddo kale nooma furneyn oo aan ka ahayn inaan iska aqbalno”, sidaas waxaa warbaahinta ku yidhi Gibson Mureithi oo ah walaalkii oo ka yar.

Xaaska ninka dhintay oo lagu magacaabo Eunice Mwongera ayaa sheegtay inay raalli ka tahay go’aankaas. “Markii la gaadhay sannad-guuradii arooskayaga ee 44-aad, wuxuu meel isugu keenay dhammaan carruurtiisa iyo xubnihii kale ee guud ahaan qoyska, markii uu arrinta u sheegayna dhammaantood wuxuu geeyay goobta uu qabriga ka qoday wuxuuna ku yidhi waa halkan meesha aan rabo in la igu aaso”. Samson ayaa ka mid ahaa ganacsatada ismaamulka Isiolo ee dalka Kenya, sheekadiisana waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn u hadal haya warbaahinta Kenya.

Xaalad ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayay in muddo ah waddankaasi Kiiniya ee qisadan layaabka lihi ka dhacday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here