Degdeg: Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Mar Dhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

0
1093

Muqdisho (Foore) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Warbaahinta.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaadhi noociisu yahay gaadiidka ay dadka reer Muqdisho y yaqaanaan Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada tagta dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan ee isla magaalada Muqdisho.

Dad kala duwan oo warbaahintu la hadashay ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay markii uu gudbay gaadhiga oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warar ayaa sidoo kale sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaadhay dad shacab ah oo ka agdhowaa falkaasi.

Ugu yaraan illaa inta la xaqiijiyay afar qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaadhay mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey waddada uu qaraxu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aaddan dhacdadaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala gooshaya gudaha magaalada Muqdisho.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here