Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Sheegtay In 6800 Oo Qof Ay Suurtagal Tahay Inuu Haleelo Cudurka Corona Virus, Dalbatayna Miisaaniyad Lacageed Oo Dhan 15-Milyan Oo Dollar

0
3601

Hargeysa, April 12, 2020- (Foore)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay qorshe qaran oo loogu magac daray “Qorshaha Heer Qaran ee U Diyaar Garawga iyo Ka Jawaabista Covid 19” oo loogu talo galay in qaranku ku shaqeeyo muddoda u dhaxaysa Bishan April illaa Diisambar 2020.

Qorshahan oo odoroska miisaaniyadda loo qoondeeyey ku kacayso lacag ka badan 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ayay Wasaaraddu ku sheegtay in ay Miisaaniyaddaasi ku bixi doonto 9 Tiir oo aasaas u ah qorshahan kuwaasi oo ay xustay in ay noqon karaan kuwo mar walba ku tiirsan hadba xaaladda iyo wadciga xanuunkani ka noqdo dalka iyo hadba sida ay arrimuhu isu baddalaan.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa ay Bulshooyinka Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay qaadhaankoodaku daraan sidii loo fulin lahaa qorshahan.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa ay qorshahan ku salaysay in uu noqdo qaab u muunad eg hannaankii waddanka Shiinuhu u maareeyey la tacaalidda cudurkan dunida faraha baas ku haya iyada oo dhinaca kalena sheegtay in qorshahani ku salaysan yahay qiyaas ahaan dadka la fili karo in uu Somaliland ka haleelo oo ay ku qiyaastay 6,800 oo qod oo uu ku dhici karo cudurka COVID 19 oo u baahnaan doona Cisbitaallo, daryeello caafimaad iyo adeegyo kaleba.

9-ka Arrimood ee Wasaaraddu qorshahan ku sheegtay in ay ku bixi doonto lacagtan ayaa ah sidan:

  1. Isuduwidda heer qaran, qorshaynta & hawlgallada – $2,010,000
  2. Isgaadhsiinta ka jawaabista Halisaha iyo diyaarinta/Abaabulidda Bulshada- $1,330,000
  3. Ilaalinta, Kooxaha Jawaab Degdega ah Bixin Doona & Kiiska Baadhitaan – $900,000
  4. Goobaha Laga Soo Galo- $1,225,000
  5. Shaybaadhka Qaranka Ee Tayada Leh Iyo Helitaanka Ogaanshaha Waqtiga Adeegyada – $700,000
  6. Maareynta kiiska- $3,790,000
  7. La socodka iyo ka hor tagga infakshanka – $1,600,000
  8. Loojistikada iyo Maaraynta saadka – $2,900,000
  9. Taageero nafsiyeed – $750,000

Wadarta Guud ee Miisaaniyadda – $15,205,000

Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo Wasaarada Caafimaadka Somaliland soo ban dhigtay odoroska qorshaha qaran eek a hor tagga iyo ka jawaabista Xanuunka COVID 19 haddana waxa ay dad badani is waydiinayaan halka lacagta intaa le’egi ka iman doonto, cidda maamuli doonta ee hannaan hufan oo ka madhan musuq ugu hawl gali doonta iyo waliba qaabka shaxaysan ee ay ku salaysay baahiyaha kor xusani sida ay u yihiin kuwo la jaan qaadi kara xaaladda iyo curfiga dhaqan dhaqaale ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here