Hargeysa, April 13, 2020- (Foore)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muwaadiniinta qarankana xayiraad lagu soo rogo oo marka ay dibadda ka yimaaddaan la karantiilo, masuuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Muuse Biixina ay xaafadahooda iyo xafiisyadooda tagaan iyada oo aan sidaa loo eegin taasi oo meesha ka saari karta kala dambaynta iyo isu hogaansanaanta sharci, sidoo kalena wiiqi karta talooyinka lagaga hor tagayo cudurka halista ha ee Koroona Fayras isaga oo dhinaca kalena dhaliilo culus u soo jeediyay nidaamka wacyigelineed ee xukuumaddu kaga hor tagayso cudurkan halista ah.
Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu dhaliilay qaab dhismeedka guddida heer qaran ee ka hor tagga cudurka Karoona Fayras isaga oo sheegay in ay ka dhiman yihiin saddex xubnood oo asaasaas u ahaan lahaa hawshooda kuwaasi oo kala ah Saxaafadda, Culimada iyo Abwaannada.
Siyaasi Barkhad Jaamac Batuun oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Muddodii 14ka casho ahayd ee aannu karantiilka ku jirnay ee nala kaxeeyey cidina namar khasbayn ee umadda aannu codka ka doonayno ayaanu caafimaadkooda ka talinaynay oo aannu u muujinaynay sida aannu badbaadooda u rabno. Muddodii aanu xereysnayn waxa nalaga qaaday dhiigag iyo dheecaano. Annaga oo caafimaad qabna ayaannu Alxamdulillaahi soo baxnay. Waxyaabaha murugada lahaa ee aannu aragnay intii aanu madashaa joognay waxa ka mid ahaa muwaadin annaga naga mid ahaa oo reer Somaliland ah oo hooyadii dhimatay oo geeridii loo sheegay ayaa bixi kari waayay. In uu isagu baxo oo Bulshadu badbaadi waydo waxaanu door bidnay badbaadada umadda oo waxaannu ku nidhi joog bixi mayside. Waxa nagu jiray muwaadin kale oo gabadhiisii foolatay oo qalliin u baahatay. In uu isagu baxo iyo Bulshadu badbaado waxa la qaatay in ay Bulshadu badbaado. Waxa naga mid ahaa nin xammaal ah oo muwaadin ahaa oo dadkii rakaabka ahaa gabadh ka mid ahayd alaab ay sidatay inta uu madaamad ka dhex qaaday taabtay oo lagu yidhi adna raac oo waad xeraysan tahay. Waxa ku filnayd in lagu yidhaa faraxalo. 14 maalmood ayuu halkaasi nagula jiray oo ay masaariif la’aan iyo murugo ay u ahayd qoyskiisii. Waxaa sidaa loo samaynayay waxa ay ahayd si umaddeena loo ilaaliyo. Taasi iyada oo ay jirto ayaa wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu dhawr maalmood ka hor uu dalka yimid. Madaarka ayuu ka soo degay gurigiisii buu tagay. Madaxdu waa in ay tusaale hogaamineed umaddooda u noqdaan. Muwaadiniintu waa dhaqanka madaxdooda. Waxa ay umaddu is waydiinaysaa sharciga xubin xil xukuumadda ka haysana u saamaxaya in uu xafiiskiisa iyo xaafaddiisa tago muwaadinka uu cashuurtiisa qaatana maxbuus laga dhigo. Waxa is waydiin leh askartii Wasiirka ilaalinaysay, darawalkiisii soo qaaday ee guriga geeyey, wasaaradda uu tagay, shaqaalihii sidee loola dhaqmay?”.
“Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland oo ah guddoomiyaha guddidaasi waxaanu waydiinaynaa su’aasa ah muwaadinka maxaa maxbuus ka dhigay xubinta xil xukuumaddiina ka haysana maxaa mudnaanta siiyay?. Sharcigii mee iyo qaanuunkii innoo yaallay. Mudane Madaxweyne ku xigeen waxaannu ku eegi doonaa in aad noqoto mid sarraynta sharciga ku shaqeeya iyo in aad noqoto mid saamayntiisa hogaamineed suuqyada lagaga sheekeeyo. Jawaab ayayna umadu idinka sugaysaa”. Ayuu yidhi afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.