Nairobi (Foore)- Mas’uuliyiinta ismaamul goboleed ku yaalla galbeedka dalka Kenya ayaa qabri kasoo qufay meydka nin deegaankaas kasoo jeeda, si looga bixiyo dhar lagu aasay wakhtigii uu geeriyooday. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Martin Shikuku Alukoye ayaa bishan gudaheeda dhintay ka dib markii uu biyo ku haftay, waxaana la aasay isagoo xidhan guud ahaan direyskii adeegga dhalinyarada ee ismaamulka Kakamega. Saraakiisha maxalliga ah ayaa qabriga kasoo saaray meydka, iyadoo ujeeddadu ay ahayd oo kaliya in dharkaas laga siibo, iyagoo iska dhaga tiray diidmo ka jirtay dhinaca qoyska uu ninkaas kasoo jeeday. Haweeneydii xaaskiisa ahayd, ee uu ka dhintay, ayaa warbaahinta u sheegtay inay aad uga argagaxday falkaas, waxayna intaas ku dartay in soo faqitaanka meydka uu kusii badiyay xanuunkii ay markii horeba ka qaadday geeridiisa.
“Tallabadan waxay igu sii kordhisay murugada aan markii horeba ku jiray, carruurtayduna wali way yayar yihiin, ilaa maalintii aan dhashay ma arkin wax sidan oo kale ah, waxaan ka codsan lahaa inay iska key dhaafaan”, ayey ku tidhi wareysiga ay siisay warbaahinta. Mr Alukoye adeerkii ayaa yidhi “Waxay ku xad gudbeen sharciga dhulka iyo xeerkii awoowayaasheen”.
Francis Mutamba oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa intaas ku daray: “Markii aan aaseynay waxaan si buuxda ugala tashannay ismaamul goboleedka mana aanay diidin codsigeennii ahaa inaan ku aasno dharkiisii shaqada”. Qoyska ayaa sheegay inay kasoo horjeesteen codsiga ka yimid dowladda deegaanka ee ku saabsanaa soo qufitaanka meydka ninka 31 jirka ahaa, si dharka looga bixiyo, hase yeeshee, markii dambe waxay saraakiishu tallaabadaas qaadeen iyagoo aan cidna la tashanin, amar maxkamadna heysanin. Kaaliyaha guddoomiyaha xaafadda Ituti oo lagu magacaabo Daniel Namayi, ayaa cambaareeyay falka qabriga looga soo bixiyay meydka, wuxuuna ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo sharci ah oo ka dhan ah saraakiisha howshaas ku dhaqaaqay.
“Mar haddii meydka la aaso, qof walba oo dood ka qaba waa inuu la yimaaddo amar maxkamadeed oo u oggolaanaya inuu qabriga soo faqo. Mas’uuliyiinta maamul goboleedku waxay sameeyeen arrin sharciga kasoo hor jeedda”, ayuu yidhi isagoo wareysi siinayay wargeyska Daily Nation. Odayaasha beesha Abang’onya ayaa sidoo kale dhaleeceeyay maamulka, waxayna arrinta meydka lasoo faqay ku tilmaameen wax sharciga iyo dhaqankaba kasoo horjeeda. “Waxaan aasnay wiilkayaga xilli habeennimo ah annagoo u hoggaansameyna dhaqankeenna oo dhigaya in qofka biyaha ku dhinta aan la aasin xilli ay qorraxdu soo jeeddo, laakiin mas’uuliyiinta maamulku waxay naga yaabiyeen markii ay meydka usoo qufeen dharkooda dartiis”, ayuu yidhi Mr Mutamba. Meydka lasoo bixiyay ayaa loo xidhay dhar kale, dib ayaana loo aasay. Waana xaalad lala yaabay markii ay soo baxday.