Shakhsiyadda Yuusuf Jiis- Mid Ka Mid Ah Raggii Ugu Miisaanka Cuslaa Xarakada Alshahaab Ee Maraykanku Dilay Toddobaadkan, Xilalka Uu Hayay Iyo Saamayntiisa

0
4573

Muqdisho, April 11, 2020- (Foore)- Toddobaadkan Dawladda Maraykanku waxa ay warbaahinta ka sheegtay in ay qudha ka jareen oo shirqool dhinaca duqaynta ah ku dileen Mid ka mid ah raga ugu halis badnaa xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Nuur Sheekh Xasan oo loo yaqaanay Yuusuf Jiis.

Dawladda Maraykanku waxa ay sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abril ka gaysteen deegaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaalkaasi sare oo ka tirsanaa maleshiyada Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis. Haddaba waxa is waydiin leh ninkasi waa ayo iyo door noocee ah ayuu ku lahaa xarakada Halista badan ee Alshabaab.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka laf dhabarta u ah kooxda Alshabaab, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ahaa gumaadka shacabka sida ay hadalka u dhigeen.

Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yidhi: “Yuusuf Jiis waxa xuu ahaa hogaamiye muhiim u ahaa argagixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan, arxan darran, kana mas’uul ah in dad badan oo aan waxba galabsan ay noloshooda waayaan. Dilkiisuna wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa ka nabdoon sidii hore.”

Laanta Afsoomaalida ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA oo la xidhiidhtay saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay inuu Yuusuf Jiis uu xarakada hore ugu qaabilsanaa daba-galka hay’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah taasi oo ka dhigaysay mid ka mid ah raga ugu halis badan dhinaca shirqoollada iyo daba galka hay’adaha samafalka.

Yuusuf Jiis ayaa magaciisa oo buuxa lagu sheegay Yusuf Nuur Sheekh Xasan, waxaa sidoo kale uu isticmaali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid yahay Magaca Bashaar iyo Macallin Sahal.

Waxa la sheegay inuu beryihii u dambeeyey uu kooxda Al Shabaab kala shaqaynayey dhinaca Xisbada oo ah magaca ay u yaqaanaan (Booliiska) iska markaana dhowaan lagu daray Shuurada oo ah Golaha ugu sarreeya xarakadaasi.

Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen saddex qof, waxay intaas ku dareen in ragga la dilay uu ka mid ahaa Yoonis Sheekh Daahir oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka ee xarakada. Qofka saddexaadna aanay weli la xaqiijin. Isla dorraad ayaa Maraykanku sheegay In duqayn ka dhacday deegaanka Jilib lagu dilay shan kale oo ka tirsanaa maleeshiyadka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here