Maxaabiis Si Layaab Leh Uga Baxsaday Musqulaha Xabsi Ku Yaalla Gobolka California Ee Dalka Maraykanka

0
745

Hargeysa (Foore)- Booliska Dalka Maraykanku waxay shaaciyeen sawirro muujinaya sida laba nin oo dembi dil loo haystay ay uga baxsadeen xabsi. Waxay si la yaab leh u dolooliyeen gidaarka xabsiga oo ku yaalla California. Santos Samuel Fonseca, oo 21 sano jir ah, iyo Jonathan Salazar, oo 20 sano jir ah, waxay ka bexeen qeyb ay dumiyeen oo ah musqusha gudeheeda ah. Waxay raggan ku xidhnayeen xabsi ku yaalla Koonfurta magaalada San Francisco. Taliyaha ciidamada halkaas wuxuu sheegay in raggani ay heleen meel “ka qarsoon indhaha” ilaalada. Labadan dhallinyarada ah waxaa ku socotay dacwad maxkamadeed oo ku saabsan dembiyo dilal oo kala duwan waxayna baxsadeen Axaddii.

“Waxaan ka xunnahay in rag lagu oogay kiis dil aanay hadda xabsiga ku jirin,” ayuu yidhi Jonathan Thornburg, oo ah afhayeen u hadlay xafiiska taliyaha ciidamada deegaankaas.

Maamulka Gobolkasi waxa ay hadda raadinayaan raggaas oo ay sheegayaan in ay hubeysan yihiin, halisna ay yihiin. Xafiiska Taliyaha ciidanka wuxuu $5,000 oo dollar u ballan qaaday qofkii soo sheega macluumaadka la xidhiidha raggaas iyo meesha ay ku dambeeyaan.

Sidey Raggan Laga Shakisan Yahay U Baxsadeen?

Waxay meel yar ka dalooliyeen musqusha xabsiga, halkaas oo ilaalada xabsigu arki karin, sida saraakiishu ay sheegeen. Meesha ay dumiyeen labadan nin way ka bixi karayeen, maadaama labaduba, Mr Fonseca iyo Mr Salazar, ay ahaayeen jidh ahaan kuwo dhuudhuuban. Meesha ay ka bexeen waxaa ku socotay dib u habeynta tubooyinka iyo dhuumaha dhismaha. Raggan baxsaday waxay ku dhex guurguurteen meeshaas, illaa ay ka derbiga ugu dambeeya, xoog ayey ku fureen ka dibna way ka sii bexeen halkaas. Meesha ugu dambeysa ee xabsiga ma lahan ilaalo, waxaana ku xidhan xadhko oo keli ah, sida ay sarakiisha maamulka sheegeen. Labada nin waxaa la soo qabtay sannadkii la soo dhaafay, iyagoo lagu eedeeyay dembiyo kala duwan oo dilal ah. Mr Fonseca waxaa lagu eedeeyay dilka Lorenzo Gomez Acosta, oo 37 sano jir ahaa, iyo Ernesto Garcia Cruz, oo 27 sano jir ahaa. Labadaa dil oo la geystay 2018-kii, waxaa u dhexeysay afar maalmood. Mr Salazar wuxuu ku eedeysnaa in uu toogasho ku dilay Jaime Martinez, oo 20 sano jir ahaa, bishii October ee 2017-ki. Labaduba way beeniyeen eedaha loo jeediyay sida lagu qoray wargeyska Los Angeles Times.

Illaa imika lama oga sheekadan labadan nin halka ay ku dambaysay iyo in mar kale la soo qabtay balse waxa ay qisadoodu noqotay mid la mid ah sidii lagu matali jiray filimada xabsiyada laga baxsado oo ay dadku daawan jireen taasi oo ay labadan nin si rasmi ah u mataleen oo ay naftooda kala baxsadeen xabsigii ay ku xidhnaayeen muddoda walina aan la ogayn halkay maren.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here