Hargeysa, April 6, 2020 (Foore)- Guddida uu Madaxweynaha Somaliland u xushay Xakamaynta iyo la dagaalanka Faafitaanka Cudurka Halista badan ee Coronavirus-ka ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgalo xoogleh ka waday Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa taasi oo ay kaga gaashaamanayaan inuu faafo Cudurka Coronaha.
Wallaw aan wali si rasmi ah loo shaacin haddana Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Gudida ka hortagga Coronavirus-ka Somaliland ay qorshaysay islamarkaana ay bukaan-socodkii ka daad guraysay Xaruntii Dhakhtarka TB-da Hargeysa, halkaasi oo ay u qoondeeyeen inay ka dhigaan xarun lagu baxnaaniyo Dadka Cudurka Coronavirusku haleelo, arintan oo si weyn maalmihii u dambeeyay loo hadal hayay islamarkaana saluug xoogleh abuurtay maadaama oo uu Cisbitaalkaasi ku yaalo Badhtaha Hargeysa.
Dhinaca kale warar kale oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Waadhadhka qayb ka mid ah Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa loo baneeyay si loogu baxnaaniyo dadka uu soo rito Cudurka CORONAVIRUS-ku, kuwaasi sida la sheegay la bilaabay in la baneeyo islamarkaana laga daad gureeyay dadkii bukaanka ahaa ee ku jiray. Arintan ayaa si aad ah looga hadal hayaa Goobaha Caafimaadka Hargeysa waxaanay fajiciso ku riday cid kasta oo maqashay arintan jiritaankeeda. Eheladda dadkii bukaanku hore ugu yaalay Cisbitaalka ayaa qaarkood labadii habeen ee u dambeeyay ka daad guraynayeen Cisbitaalka.
Tiro toban koobood ka badan ayay Gudida Ka hortagga Coronavirus –ka Somaliland ka sameeyeen Hargeysa, kuwaasi aanay Gudidu si dhab ah xogtooda bulshada ula wadaagin, iyadoo ay Bulshadu saluugsan tahay hanaanka xog la’aaneed ee Somaliland ee laga shaki qabo inay Xukuumaddu wax baddan qarinayso, iyadoo ay gaadhay heer ay Gudidu soo jeediso in albaabada loo xidho masaajidada talabadan oo la aaminsan yahay inay ka dhalatay xog qarsoon oo bulshada laga qarinayo oo ku saabsan saamaynta dhabta ah ee Coronaha Somaliland.