Dhacdo Layaab Leh Oo Sababtay In Qabriga Laga Soo Saaro Oo Maydkiisa Lasoo Faqo Nin Usbuuc Dhan Aasnaa

0
774

Meyd qabri ku aasnaa muddo hal usbuuc ah ayaa lasoo saaray, ka dib markii la ogaaday in uu khalad dhacay inta aan laga bixinin qeybta meydadka lagu keydiyo ee Cisbitaal ku yaalla dalka Nigeria. Nin Masiixi ah ayaa lagu aasay qabuuro loogu talagalay dadka muslimiinta ah oo ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria dhaca ee Kanu. Sababta markii hore loogu aasay halkaas ayaa lagu sheegay in labada ruux oo aad isugu ekaa la isku khalday meydkooda. Aminu Adam, oo ah imaamka guud ee bulshada ku dhaqan badhtamaha gobolka Kanu ayaa Warbaahinta u sheegay inuu isagu qaatay mas’uuliyadda jahwareerka dhacay.

“Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Obinwa uu meydkiisu ku jiray khaanadda lambarka 22-aad qeybta meydadka lagu keydiyo, markii aan anigu tagay inaan soo aqoonsadana, Basil Ejensi ayaa iila ekaaday Obinwa, oo nala noolaa muddo 40 sano ah. Labadooduba waxay ahaayeen niman jir ahaan iyo dhirir ahaanba la isku soo qaban karo, gadhna ma aanu lahayn”, ayuu yidhi Mr Adam.

“Marka aan weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha qeybta meydadka lagu keydiyo ee Cisbitaalka, waxay ii sheegeen in mararka qaarkood ay meydadka ka xiiraan gadhka, marka waxaan isaga maleeyay inuu ahaa Obinwa.”. Khaladka dhacay ayaa laga war helay ka dib markii qoyska Ejensi ay tageen Cisbitaalka, iyagoo qorsheynayay aaska wiilkooda geeriyooday, ka dibna waxay ogaadeen inuu meydkiisu maqan yahay. Ka dib markii ay xaqiijiyeen in lagu aasay qabuuraha Muslimiinta, waxay u dacwoodeen maxkamad, taasoo u oggolaatay inay soo baxsadaan meydka.

Qoyska Ejensi way heleen meydkiisa, laakiin waxaan ilaa hadda meelna lagu sheegin meydka Cabdullaahi, oo wali la raadinayo. Maamulka isbitaalka Aminu Kano, oo ah meesha uu khaladkan dad badan ka yaabiyay ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay hadda baadhitaan wadaan. Waxa ay ahayd xaalad aad loola yaabay oo dadka deegaanka ee qisadani ka dhacday ay is waydiiyeen sababta la isugu qalday labadan mayd ah iyo maydka muddo kadib xabaasha laga soo faqay. Walina dadkii ehelka maydkaasi ayaa naxsan oo u qaadan la’ qisadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here