Qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida waxa laga sheegtaa amni xumo iyo xaalado la xidhiidha cabsi ay dadku ka qabaan kooxaha gaangiska ah ee ka hawl gala ee dambiyada kala duwan ka sameeya. Haba ugu khatar badnaadaan magaalooyin ku yaalla qaaradaha Laatiin Ameerika, Asia iyo Afrika.
Magaalada Guadalajara ayaa waxay ku taallaa dalka Mexico waxaana marka aad gasho magaalada ku arkaysaa tobanaan dhisme oo ay hortooda ku yaallaan boodhadh ay ku qoran yihiin ”Waa iib”.
Dad badan oo ka mid ah kuwa deegaanka ayaa bishii May ee sannadkii hore waxa ay bilaabaeen inay guuraan ka dib markii booliska magaalady ay waddo ka heleen meydad qudhmay oo muddo yaallay lana laayabay. Bishii la soo dhaafay qof la afduubtay oo soo baxsaday ayaa booliska u tilmaamay adarees kale oo ku yaalla isla waddadaasi, waxaanay ka dhex heleen meyd iyo 3 madax. Illaa haatan, sannadkan in ka badan 15 qof ayaa la dilay waxaana sidoo kale laga helay magaalada Guadalajara xabaalo qaarkood ay ku jireen tobanaan madaxyo bini’aadan ah oo jidhka intiisa kale laga soo gooyay waana xaaladda cabsida ku beeraysa dadka deegaanka ee doonaya in ay meeshaasi isaga guuraan.
‘Waad Dareemi Kartaa Cabsida’
Waa sheeko cabsideeda leh, sababtoo waxay ka dhacaday waddan dad ka badan 40,000 kun oo qof la waayay halkii ay jaan iyo cidhib dhigeen tan iyo sannadkii 2006-dii. Dadka oo la afduubo muddo kadibna maydkooda la helo ayaa noqotay waxa ugu cabsi badan ee magaaladan lagu arkay.
Marka budhcaddu ay dadka ku aasayaan dhismooyin gaar ah, waxay maraan tallaabooyin sharciga indhaha tiraya. Haatan dadka xabaalaha qodaa waxay u baahan yihiin cagafyo baldoosaris ah sabatoo ah waxaa dhamaaday waqtigii la isticmaali jiray majarafadaha oo meeydadka ayaa batay. Aamusnaanta dadka deegaanka ayaa xaaladda sii murginaysa, inkastoo ay jiraan dad yar oo mar-mar booliska u soo sheega inay maqleen qeylo iyo cabaad ama urta meydadka qudhmay. Tan iyo markii Mexico ay hawl gelisay ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama maan-dooriyaha sannadkii 2006-dii, waxaa la helay xabaalo wadareedyo oo dadka argagax iyo cabsi ku beeray.
Xabaal U Qodista Meydka
Guud ahaan Mexico, waalidiin niyad jabsan ayaa isku hawla aasidda qeybaha ka hadha dadkoodii la la’aa. Guadalupe Aguilar waa hooyo Mecuso u dhalatay taasi oo wiilkeeda José Luis Arana, baadi-goobkiisa ku jirtay tan iyo markii la waayay sannadkii 2011-kii. Walina raq iyo ruux toona aan haysan meel ay ugu hagaagto wiilkaasi oo ay muddodaasi la’ayd.
Magaalo Dagaal
Sarkaal boolis ah oo la hadlay Shabakadda wararka BBC ayaa sheegay in laba kooxood oo budhcad ah ay ka dambeeyaan xasuuqa dadka reer Guadalajara. “Tan koobaad waxaa la yidhahdaa New Generation Cartel (CJNG), taas oo ay dowladdu u aqoonsantahay koox budhcadeedka ugu awoodda badan dalka. Tan labaad waxaa lagu magacaabaa Nueva Plaza taas oo 2017-kii ka goosatay kooxda CJNG, waxayna taasi keentay inuu cirka isku sii shareero qalalaasaha magaaladan ka jiraa. Budhcaddaan ayaa waxay guryaha ka kiraystaan mulkiilayaasha oo aan warba u hayn waxa loo isticmaalayo guryaha ay kiraynayaan,” ayuu yidhi sarkaalka warbaahinta arrintan uga warramay. Dadka ayaa dalbanaya in magaaladan ay isaga guuraan haddii kale xukuumaddu xal degdeg ah arrinkan ku soo afjarto.