London (Foore) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Nuur Cadde ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, isagoo ku jiray Cisbitaalka Kings College oo ku yaalla magaaladaasi.
Geerida ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marxuum Nuur Cadde, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey, Xaaji Maxamed Nuur Cadde.
Sidoo kale Xaaji Maxamed oo ah wiil uu dhalay marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lagu aasi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Dhinaca kale Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay mar dhawayd qoraal tacsi ah oo ay umadda kaga tacsiyaysay geerida ku timid Marxuum Nuur Cadde.