Spain Oo Qabatay Nin Caadaystay In Uu Ilkaha Dahabka Ah Kala Baxo Dadka Geeriyooda Inta Uu Xabaalaha Qoto

0
955

Madrid (Foore)- Booliska wadanka Spain ayay u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan nin caadaystay in uu muddoba la soo baxo ilkaha dahabka ah ee dadka qaarkii xidhaan kuwasi oo marka ay dhintaan uu xabaalaha inta uu faqdo kala soo baxa sidaana ku biiyo inta uu dahabkaasi dib u dhalaaliyo.

Booliska wadanka Spain oo muddo badan daba socday ninkan ku caan baxay falkan nacasnimada ah ayay todobaadkan u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan isaga oo ku sugan magaalada Soria ee Woqooyiga wadanka Spain isaga oo sita kiish dhan oo lagu soo ururiyey ilko dahab ah oo lagala soo baxay qalfoofka dad geeriyooday oo xabaalaha laga soo faqday.

Wakaaladda wararka Spain oo arrinkan layaabka leh wax ka qortay ayaa sheegaysa in Boolisku soo qabteen muwaadin Spanish ah oo lagu magacaabo Garcia Melo oo 52-jir ah kaasi oo muddo badan ku hawlanaa in uu dahabka dadka qaar ilkaha gashadaan marka ay geeriyoodaan kala baxo isaga oo muddo badan hawshan ku jiray intaasina boolisku mar walba baadi goob ugu jireen balse aanay u suurta galin in ay degdeg u qabtaan maadaama uu hadba magaalo ka mid ah dalka Spain ku dhuuman jiray.

Garcia ayaa caadaystay in uu ilaashado dadka Ilkaha dahabka gashada ee geeriyooda in uu xabaalahooda soo faqdo isaga oo adeegsanaya kooxo uu la shaqayn jiray oo uu lacago badan siin jiray kuwaasi oo daafaha wadanka Spain hab qarsoodi ah ugala soo xidhiidhi jiray una soo sheegi jiray xabaalaha ay ku jiraan dadka ilkahoodu dahabka ahaan jireen kadibna inta ay xabaalaha ugu tagaan qalfoofkooda baadhan jireen si ay ilkaha ugala soo baxaan.

Garcia oo ah ninkan la qabtay ayaa la sheegay in uu lacago badan ka sameeyey ganacsigan waallida ah waxaanu gaadhay in kooxo budhcad ah oo la shaqaystaa ay u soo diiwaan geliyaan dadka waaweyn ee da’da ah ee ilkahooda qaarkood dahabka yihiin si ay ugu xisaabtamaan marka ay geeriyoodaan ee la aaso in ay ilkahaasi kala soo baxaan oo ay u sii calaamadsadaan. Taasi oo aad uga yaabisay dadka dalkaasi oo muddooyinkii dambe oo dhan si weyn looga hadal hayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here