Hore ayaa loo yidhi, “Jacaylku waa indhoole”. Laakiin maxaa dhacaya markii labo qof oo indhaha naafo ka ah ay is jeclaadaan?. “Waa jacayl gabi ahaanba ka duwan midka caadiga ah; waa jacayl aan ku dhisneyn muuqaal wanaag iyo qurux,” ayuu yidhi Niraj Gera, oo ah sawir qaade u dhashay Hindiya oo abaal-marinno badan ku guuleystay. Musalsal sawirro ah oo uu dhawaan soo bandhigay ayuu Mr Gera kaga sheekeeyay qisada nin iyo haweeney aragga la’ oo is jeclaaday, wuxuuna sheekadooda ku cabiray ilaa 13 sawir. “Maalin ka mid ah bishii July ee sanadkii hore, waxaan ka dukaameysanayay dhismaha Connaught oo ku yaalla magaalada Delhi, kaddib waxaan arkay lamaane qurux badan. Way socdeen gacmaha ayeyna is heysteen, iyagoo dhoollacaddeynaya, oo sheekeysanaya,” ayuu yidhi Mr Gera oo la hadlayay BBC-da. Lamaanahan waxaa caawinayay nin kale oo ku hoggaaminayay qeybaha kala duwan ee dhismaha Connaught. Mr Gera wuxuu sheegay in xaaladda lamaanahan ay aad usoo jiidatay: “Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan arko lamaane aragga naafo ka ah,” ayuu yidhi. Sidaas awgeed wuu u tagay, wuxuuna ugu yaboohay inuu geeyo ilaa istaanka. “Intii aan sii soconnay waddada, waan sheekeysaneynay, waxaanan weydiiday inay nin iyo xaaskiis yihiin, wayna ii xaqiijiyeen. Marka waxaan weydiiyay haddii ay raalli ka yihiin in sheekadooda la faafiyo. taasna way iga oggolaadeen,” ayuu yidhi.
Musalsalka uu sameeyay sawir qaaduhu wuxuu si buuxda ugu sharraxay qisada jacaylka dhabta ah ee Deepak Yadav iyo Arti Chaurasia, oo labadooduba ay da’dooda tahay 21 sano jirro. Markii ugu horreysay waxay isku barteen Facebook-ga. Deepak wuxuu sheegay in isaga iyo gabadhaba ay isticmaali jireen telefoonno casri ah laga heli karo adeegyada loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah. “Markii aad taabato batoonka hadalka ee telefoonka, waxaa dib kuugu soo laabanaya jawaab hadal ah,” ayuu yidhi. Maalin ka mid ah bishii June ee sanadkii 2018-kii, Deepak wuxuu sheegay in magaca Arti uu kaga soo booday qeybta magacyada dadka isu bandhigta ee Facebook-ga, sidaasna ay dadka qaar ku codsadaan saaxiibtinimada. “Waxay ila ahayd inaan waxyaabo badan isku mid ka ahayn, sidaas awgeed waxaan u dirsaday codsi saaxiibtinnimo,” ayuu yidhi isagoo la hadlayay BBC-da. Arti inay aqbasho waxay ku qaadatay muddo laba usbuuc ah. “Ma aanan garaneynin, marka waxaan la yaabanaa qofka uu yahay?” ayey tidhi. Laakiin ugu dambeyn way ku darsatay liiska saaxiibbada.
Wax yar kaddib waxay billaabeen inay farriimo isdhaafsadaan. Waxay sheekeystaanba ugu dambeyn waxay kala qaateen lambarrada telefoonnadooda. “Markii ugu horreysay waxaan telefoonka iskula hadalnay 31-kii bishii July,” ayuu yidhi Deepak. “Wicitaankaas ugu horreeyay wuxuu socday 90 daqiiqo”, ayey tidhi Arti. Si joogto ah ayey u wada hadli jireen, maalin maalmaha ka mid ahna, Arti waxay weydiisay inuu gabadh saaxiibad ah leeyahay. “Wuxuu yidhi, maya, xeradu wey bannaan tahay”, ayey tidhi iyadoo qosleysa. Wax badan kuma aanay qaadanin inay jacaylkeeda u bandhigato. Taasina waxay dhacday 10-kii bishii August. “Telefoonka ayaan iskula hadleynay. Saaxiibkey ayaan la fadhiyay, iyaduna waxay ku dhiirratay inay i dhahdo ‘Waan ku Jeclahay’. Anigana waan ugu jawaabay,” ayuu yidhi Deepak. Laakiin Deepak wuxuu sheegay inuu hal daqiiqo hadalka ku dhagay marka ay Arti jacaylka u qiratay. “Waxaan is dhahay hadalkaas aniga la iiga baahnaa marka hore, sidey iyadu kuu tidhi? Xoogaa ayaan aamusnaa, kaddibna waan ku idhi anigoo ugu jawaabaya”, ayuu yidhi. Labo bilood kaddib, Deepak ayaa ugu tagay meesha ay dagganeyd, markii ugu horreysay ayeyna si toos ah u kulmeen. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, Deepak iyo Arti si joogto ah ayey u kulmaan, waxayna sheegeen in jacaylkooda uu xoogeystay. Deepak wuxuu sheegay in hadda wixii ka horreeyay uu qoyskiisa ka qarin jiray jacaylkooda”. “Aabahay wuxuu i yidhaa hadda ka fogow jacayl iyo wax la mid ah, dib ayaad ka heli doontaa waqti badan oo aad waxyaabahaas ku maareysid. Ku dadaal waxbarashadaada, xirfadna yeelo,” ayuu yidhi ninkani isaga oo warbaahinta la hadlayay.